Kun lapsi sairastuu
Markuu ilmuhu jirrado, waa inaad la xiriirtaa rugta caafimaadka ee degmadaada.
Habeenkii iyo Sabtida iyo Axadaha rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas xannuunada degdegga ah iyo shilalka waxaa lagu daaweeyaa goobta heeganka (päivystys).
Warar ku saabsan cuddurada carruurta inta badan ku dhaca waxaad ka heleysaa adeegyada la yiraahdo Dhakhtarka carruurta (Lastenlääkäri).
Ilmaha jirran xannaanada lama geeyo. War sugan oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaa adeegyada la yiraahdo Dhakhtarka carruurta (Lastenlääkäri). Bogga hore ka dooro meesha ay ku taallo Lasten sairaudet ja päivähoito (Cuddurada carruurta iyo xannaanada). Haddii ilmo da’diisu 10 sano ka yar tahay xannuun degdeg ahi qabto, ilmaha hooyadii ama aabbihii wuxuu guriga joogi karaa oo ilmaha hayn karaa ugu badnaan 4 maalmood. Heshiiska shuruudaha shaqada ayey ku qoran tahay hadba waxa lagu heshiiyey, oo ah inuu qofku wakhtigaas mashahar leeyahay iyo in kale.
Waxqabadka ah haynta ilmaha waxaa laga helaa Hay’adda dadka (Väestöliitto) iyo Hay’adda badbaadada carruurta ee Mannerheim (Mannerheimin Lastensuojeluliitto).
Faahfaahin dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga Kela.