Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Markaad uur leedahay

Kun olet raskaana

"Ilmuhu isagaa risiqiisala yimaada."
(Maahmaah Finnish ah)

Naagtu waa inay rugta daryeelka hooyada (äitiysneuvola) tagtaa isla markay uurka yeelato ama inta aanay dhammaan bisha 4aad ee uurku. Rugta daryeelku waxay ka taxadertaa oo la socotaa caafimaadka hooyada uurka leh iyo ilmaha, waxayna hooyooyinka iyo aabbayaasha u qabanqaabisaa tababarada u diyaar garowga ummusha. Adeegyadanina macaamiisha lacag la’aan ayey u yihiin. Markuu ilmuhu dhasho, dhakhtarka iyo kalkaalisada caafimaadka ee rugta daryeelka carruurta (lastenneuvola) ayaa waxay ka taxaderaan daryeelka caafimaadka ilmaha iyo tallaaladiisa. Warar mawduuca ku saabsan waxay ku yaallaan boggaga Wasaaradda arrimaha bulshada iyo Caafimaadka.

Rugtaada caafimaadka weydii adeegyada laga helo rugaha daryeelka.

Markay naagtu uur leedahay, ayna si joogto ah Finland u deggan tahay, waxay heli kartaa kaalmada hooyanimada (äitiysavustus) iyadoo shuruudo ku xiran. Boggaga Kelada ayaa waxa ku jira wararku saabsan, qofka marka loo arkayo inuu Finland deggan yahay. Kaalmada hooyanimada waxaa loo heli karaa lacag ahaan iyadoon la canshuurayn ama iyadoo ah baakadda hooyanimada (äitiyspakkaus).

Hooyada uurka leh waxay xaq u leedahay lacagta hooyanimada (äitiysraha), haddii ay Finland si joogto ah u degganayd muddo dheer oo ah wakhtaga shuruuda ah.

Buugga Ilmaha Finland ku dhasha oo ku qoran luuqadah soo socda:

Finnish
Albaaniyaan
Carabi
Ingiriis
Kurdi
Farsi
Iswiidhish
Serbokroati

Bogga Carruurta iyo dhallinyarada waxaa ku qoran warar ku saabsan kaalmooyinka ay qoyska ilmaha leh dalban karaan.

Ma adigoo xaalad adag o nolosha ah ku jira ayaad uur leedahay?

Haddii aad uur leedahay oo aad u aragto in aadan isku filnaan karin,waxaad la xiriiri kartaa Guriga ugu horeeya (ensikoti). Ensikotiga qoysaska ayaa laga taageeraa waxyaabaha  ku saabsan waalidnimada iyo siday nolosha uga adkaan lahaayeen. Hooyadu waxay ensikotiga imaan kartaa markay uurka leedahay amaba iyadoo ilmaheeda yar wadata.

Ma adigoon nin haysan baad uur leedahay? Sidoo kale boggaga Ururka masuulka kelida ah iyo masuul ka wada noqoshada (Yksinhuoltajien ja yhteishuoltajien liitto) ayaa waxa ku yaalla warar mawduucan ku saabsan.

Warar aborshanka ah waxay ku jiraan bogga Sekshiwalka ee Bangiga wararka.