Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Markaad jirrato

Kun sairastat

"Sariirtu waa daawo."
(Maahmaah Fenetsiyaan ah)

Markaad jirrato, la xiriir rugtaada caafimaadka. Rugaha caafimaadku waxay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka ee degmadu leedahay. Boggaga Terve.com waxaad ka heleysaa wararka ku saabsan daryeelka caafimaadka ee degmada aad deggan tahay.

Habeenkii iyo Sabtida iyo Axadaha rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas xannuunada degdegga ah iyo shilalka waxaa lagu daaweeyaa goobta heeganka (päivystys). Waxaad kaloo fiirisaa bogga Xaaladaha khatarta ah.

Isbitaalka wuxuu qofku baaritaan u tegi karaa ama lagu daaweyn karaa, sida caadiga ah haddii dhakhtar u gudbiyo. Haddii khatar degdeg ahi jirto in laguu gudbiyo uma baahnid. Qofka bukaanka ahi kharash daryeelka caafimaadkiisa ku baxa qayb ka mid ah ayuu bixiyaa.

Haddii xannuunku ama naafadu ay wax u dhimayso shaqadaada, waxbarashadaada ama nololmaalmeedkaaga caadiga ah, baxnaanintu (kuntoutus) waxbay kuu tari kartaa.

Haddii qofka jirradiisu ay tahay inuu noqdo mid aan awoodin inuu shaqaysto, oo uu mushaharkiisii sidaas ku waayo, qofku lacagmaalmeedka bukaanka (sairauspäiväraha) ayuu xafiiska Kelada ka codsan karaa.