Structure_LogoPart1



Maalgelin

Rahoitus

Intaadan shirkadda ganacsiga bilaabin ka hor waa inaad si taxader leh uga fekertaa oo u qorshaysaa sidaad ku heli lahayd maalgelinta shirkaddu u baahan tahay. Markaad ganacsi furanayso, waxaad u baahan tahay lacag, sidaa darteed waa muhiim, inaad bilowga hore haysato lacag kugu filan. Lacagta aad ganacsiga ku furanayso qayb ka mid ah waxay noqn kartaa lacag hadyad ah ama deyn ah, laakiin si aad lacagahaas u hesho waa inaad samaysaa qorshe waxqabadka ganacsiga ah oo wanaagsan. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan siday suuragal u tahay inaad maalgelin heli karto waxaad ka heleysaa:

Yritys-Suomi
Finnvera
Jobs&Society.

Qofka raba inuu ganacsi samaysto waxaa loo ogolaan karaa lacag la yiraahdo lacagta bilowga, si uu qofku u helo dhaqaale uu ku noolaado wakhtiga lagu jiro bilowga hore ee ganacsiga. Lacagta bilowga waxaa ogolaada xafiiska shaqada ee uu qofku macaamiisha ka yahay. Lacagtaas waxaa qofka loo ogolaan karaa ugu badnaan 10 bilood. Ama qofka ganacsadaha ah wuxuu dooran karaa in loo ogolaado taageero mushaharsi uu dadka u shaqeeya mushahar u siin karo. Hase yeeshee lacagahan looguma talagelin inuu qofka ganacsadaha ahi ganacsigiisa ku maalgeliyo. Faahfaahin dheeraad ah:

wasaaradda shaqada iyo nolol la soo bixidda (työ- ja elinkeinoministeriö).
Työvoima-ja elinkeinokeskus (Xarunta xoogsatada iyo nolol la soo bixidda)