Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Luuqadda Finnishka ee internetka gudihiisa

Suomen kieltä internetissä

"Qofka ugu hadalka fiicani waa kan, dadka dhegehooda wax ku aragsiiya."
(Maahmaah Carabi ah)

Koorsooyin iyo laylisyo luuqadda Finnishka ah:

Ymmärrä suomea!
Koorsadani waxay ka kooban tahay 19 cashar oo la dhegeysan karo, qaamuus yar oo Finnish iyo Ingiriis ah, naxwe, laylisyo iyo liis ficillo ah.

Suomea, ole hyvä!
Qalabka waxbarashadan waxaa ka mid ah cajallado fiidyow ah oo laylisyada bilowga ah, laylisyo, erayo la buuxbuuxinayo iwm.

Tavataan taas!
Koorsadan luuqadda Finnishka ahi wuxuu ka kooban yahay liis erayo ah, naxwe iyo weedho gaagaaban oo tusaaleyaal ah. Luuqadaha koorsadu waa Finnish iyo Ingiriis.

Supisuomea
Waxyaabaha wax laga barto ee barnaamij Tv taxane ah. Qoraallo, laylisyo tababar ah, naxwe, cajallado fiidyow ah.

Perunakellari
Laylisyo naxwaha ah. Qayb ka mid ahina waxay tahay mid ku haboon waxbarashada dadka waaweyn.

Uuno
Waa bog loogu talagalay waxbarashada bilowga ah ee luuqadda Finnishka.

Linguhouse.com
Waa koorso luuqadda ah oo lacag la’aan ah oo aad af Finnishka ka baran karto adigoo kaashanaya luuqadahan soo socda:

Jarmal–Finnish
Ingiriis-Finnish
Isbaanish-Finnish
Faransiis-Finnish
Ruush-Finnish
Iswiidhish-Finnish
Shiine-Finnish

Easyfinnish
Koorso bilow ah oo luuqadda Finnishka ah, luuqadda Ingiriiska ayaana la kaashanayaa.

YKItreenit
Boggan waxaad ugu diyaargaroobi kartaa imtixaanada guud ee shahaadooyinka luuqadaha (yleiset kielitutkinnot).

Koorasyada luqadda ee FSI

Leylisyada dhegeysiga ah iyo naxwaha luqadda finnishka.

Naxwaha iyo aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka:

The Finnish Language
Naxwaha iyo aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka iyadoo af Ingiriis wax lagu baranayo.

Finnish Grammar
Naxwaha iyo sida erayadu isu bedbeddelaan. Af Ingiriis ayaa lagu sharaxayaa.

thisisFinland: Language
Aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka, Ingiriis ayaana lagu baranayaa, naxwana waa la dhiganayaa.

Verbix
Waa barnaamij aad ku baranayso siday erayada ficillada (verbit) ee luuqadda Finnishku isu bedbedelaan.

Skoldatanätet - lexin
Qaamuus Iswiidhish-Finnish-Iswiidhish ah (Ruotsi-suomi-ruotsi-sanakirja).

Finnish fudud iyo aqoon ku saabsan Finland:

Vilma
Finnish fudud iyo aqoon ku saabsan bulshada Finnishka iyo taariikhda Finland.

Maahanmuuttajan ammatti-info
Eraybixin, warar ku saabsan waxbarashada iyo xirfadaha iyo laylisyo.

Selkosivut
Finnish fudud: warar, aqoon ku saabsan mawduucyo kal duduwan oo luuqad fudud ku qoran. Boggaga fudud oo ah af Iswiidhish.

YLE wararkiisa oo faseex ah
Wararka af Finnishka ah iyagoo faseex ah ayaad dhegeysan kartaa ama akhrisan kartaa ama waxaad dalban kartaa inay kombiyuutarkaaga kuugu yimaadaan. Boggaga waxaad ka tijaabin kartaa su’aasha maalintaas jirta si aad u ogaato sidaad u fahantey waxyaabaha la soo daayey. Wararka faseexa ah waxaa maalin walba YLE  Puhe laga soo daayaa saacadaha 18.00 (6-da fiidnimo) iyo 23.00 ( 11-ka habeenimo),  YLE Radio Suomi waxaa laga soo daayaa saacadaha 21.45 (9.45 fiidnimo).

Kuwo kale:

Finland Forum
Finland Forum waa foorum wax isdhaafsi ah oo luuqadda Ingiriiska la isticimaalo, waxaana loogu talagalay dadka Finland deggen. Qof walba oo Finland xiisaynayaana wuu ka qaybqaadan karaa wadahadallada wax isdhaafsiga ah.