Luuqadda Finnishka
Qofka waddanka u soo guurey si uu bulshada Finnishka ah iyo Kainuu ula qabsado, wuxuu u baahan yahay inuu barto luuqadda Finnishka. Qofka aan luuqadda aqoon aad bay ugu adkaanaysaa inuu shaqo helo.
Koorsooyinka la qabsashada waddanka
Dadka waddanka u soo guurey waxaa loo qabanqaabiyaa koorsooyin dadka waaweyn loogu talagalay oo uu xafiiska shaqadu bixiyo. Koorsooyinkaas waxaa lagu bartaa luuqadda Finnishka. Arrimaha koorsooyinka ku saabsan waxaad weydiin kartaa xafiiska shaqada ama waxaad ka ogaan kartaa www.mol.fi.
Xarunta waxqabadka Monika ee dhaqamada kala duduwan ee Kainuu
Xarunta waxqabadka Monika waxaa ka jira koorsooyin luuqadda Finnishka lagu barto.
Faahfaahin dheeraad ah www.monika.fi ama waxaad timaadaa cinwaanka Väinämöisenkatu 12, 87100 Kajaani, tel. 08 – 636 662.
Adigoo hiwaayadaha kaashanaya ayaad baran kartaa luuqadda Finnishka
Luuqadda waxaad ku baran kartaa adigoo ka qaybqaadanaya waxqabadyada naadiyada isboortiga iyo hawlaha ururada iyo hiwaayadaha iyo waxqabadyada kooxaha wax wada sameeya. Macaddada shacabku (kansalaisopistot) waxay qabanqaabiyaan koorsooyin kala duduwan oo loogu talagalay dadka waaweyn iyo kuwo carruurta loogu talagalay.
Faahfaahin dheeraad ah:
Kajaani iyo Vuolijoki: www.kajaani.fi/kaukametsa
Kuhmo: www.kuhmo.fi
Suomussalmi: www.suomussalmi.fi
Sotkamo: www.sotkamo.fi/kansalaisopisto
Maktabadda (Laybareeriga)
Maktabadaha Kainuu waxaa laga helaa buugaag iyo cajalladaha la dhegeysto oo noocyo badan leh oo kaa caawinaya inaad adigoo gurigaaga jooga iskaa luuqadda Finnishka u barato.
Maktabadda deegaanka Kainuu (Kainuun maakuntakirjasto), Kauppakatu 35, 87100 Kajaani tel. (08) 6155 2424. Laamaha maktabadda ee dadka u adeegaa Kajaani waxay ku yaallaan Lohtaja, Lehtikangas, Kuurna iyo Isbitaalka Dhexe ee Kainuu.
Degmooyinka Kainuu ka tirsan iyo magaalada Kuhmo waxaa ku yaalla maktabado ay iyagu leeyihiin. Degmooyinka intooda badan waxay leeyihiin baabuur maktabad ah oo ku wareega meelaha ka fogfog xaafadaha la deggen yahay.
Imtixaanada luuqadda Finnishka
Macadka Kaukametsä ee Kajaani wuxuu qabanqaabiyaa waxbarashooyin loogu diyaar garoobe imtixaanka shahaadooyinka guud ee luuqadaha iyo imtixaanno luuqadda ah. Qofka waddanka u soo guurey, si uu u dalban karo dhalashada Finland waa inuu ku gudbaa imtixaanka luuqadda oo ah ugu yaraan heerka 3aad ee shahaadada guud ee luuqaddaha. Heerka aqoonta ee loo bahan yahayna waa sidan soo socota:
”Hadalka dheer wuu fahmaa, barnaamijyada telefishanka iyo raadiyaha intooda badan wuu fahmaa ujeeddada ugu muhiimsan ee ay ku saabsan yihiin, haddii mawduuca laga hadlayaa uu yahay mid uu ilaa xad wax ka yaqaan. Qoraallada caadiga ah ee aan u baahnayn inuu mawduuc ay ka hadlayaan wax ka yaqaanno wuu fahmaa. Hadalka sida caadiga ah loogu hadlayo iyo qoraallada xoogaa adag fahankooda dhib buu kala kulmi karaa, haddii hadalka hal mar la sheegayaa dheer yahay, mawduuca laga hadlayaana ku cusub yahay. Xaaladaha hadalka ah ee ku saabsan waxyaabaha nolol maalmeedka caadiga ah wuu iska debberi karaa, wuuna awooddaa inuu qoro qoraal fudud oo isku xiran oo ku saabsan mawduuc caadi ah, inkastoo mararka qaar waxyaabaha naxwaha ah ee aanu aqoon iyo erayada ka maqan ay keenayaan in dhibaato lagala kulmo fahanka hadalka uu qoray. Si fiican buu u yaqaannaa erayada iyo dhismaha aasaasiga ah ee naxwaha muhiimka ah ee luuqadda ee la xiriira marxaladaha nolol maalmeedka caadiga ah.”
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan imtixaannada luuqadda iyo shahaadada guud ee luuqadda (kielitestit ja yleiset kielitutkinnot).
Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).