|
|||||||||||||
|
|
|||||||||||||
|
|
Suomen kieli
"Qofka luuqadda yaqaannaa, meel walba oo uu joogo gurigiisay u tahay."
Finland gudeheeda koorsooyinka luuqadda Finnishka waxaa qabanqaabiya macaddo kal duduwan, ururro iyo mashruucyo. Macaamiisha xafiiska shaqadu koorsooyinka luuqadda Finnishka waxay ka dalban karaan xafiiska shaqada. Waxbarashooyinka uu xafiiska shaqadu bixiyo ardayda lacag la’aan ayey u yihiin. Wararka ku saabsan koorsooyinka luuqadda Finnishka waxaa laga ogaan karaa boggaga Maamulka shaqada.
Sida caadiga ah koorsooyinku waxay macadada ka bilaamaan bisha ogoosto ama Sibteembar iyo Janaayo. Waxaa muhiim ah in koorsooyinka wakhti fiican laysa soo qoro, muddo ka hor inta aanay koorsadu bilaamin. Macadada weydii, wakhtiga ay tahay in laysa soo qoro.
Boggaga Guddiga waxbarashada (Opetushallitus) waxaad ka heleysaa wararka ku saabsan waxbarashada luuqadda Finnishka ee ardayda waddanka u soo guurtey ee dugsiga hoose/dhexe dhigata.
Xaggee laga baran karaa luuqadda Finnishka?
Ma u baahan tahay shahaado caddaynaysaa aqoontaada luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka?Haddii aad dalbanayso dhalashada Finland, waa inaad luuqadda Finnishka ama Iswiidhishka hadal ahaan iyo qoraal ahaan aqoon kugu filan u leedahay. Sidoo kale way kugu filan tahay aqoonta luuqadda faraha ka hadalka ee Finland. Aqoontaada luuqadda waxaad ku caddayn kartaa, adigoo gala imtixaanka lagu qaato shahaadada guud ee luuqadda (yleinen kielitutkinto). Shahaadadana waa inaad ku heshaa adoo ku baasaya aqoonta guud ee luuqadda oo ah heerka saddex. Tan macneheedu waa heer dhexdhexaad ah. Xasuuso inaad shahaadadan dhakhso u qaadato. Inta badan imtixaanka shahaadadan gelidiisa saf dheer baa loogu jiraa sidaa darteed wakhti fiican ugu talagal boroseeska. Inaad imtixaanka geleyso isa soo qor, adoo toos u tegeya mid ka mid goobaha waxbarashada ee imtixaanka lagu qaado. Faahfin goobaha imtixaanka ku saabsan iyo wakhtiga imtixaanka waxaad ka heleysaa bogga guddiga waxbarashada.
Siyaabo kalena waad u muujin kartaa aqoontaada luuqadda. Shuruudaha layska rabo hore u sii akhriso. War tafatiran waxaad ka heleysaa bogga Xafiiska Ajnebiga ee sharciyada.
|
|
|||||||||||
|
|
|||||||||||||