Ku soo dhowow Helsinki (Tervetuloa Helsinkiin)
Talooyin ku saabsan xaaladaha kala duduwan (Neuvoja erilaisissa tilanteissa)
Goobta la talinta dadka waddanka u soo guurey waxaa laga helaa adeegyo kala duduwan oo loogu talagalay dhammaan dadka waddanka u soo guurey ee Helsinki deggan.
Goobta la talinta waxaad ka heleysaa hagitaanno iyo talooyin ku saabsan xaaladaha kala duduwan ee nolosha. Goobta la talinta waxaad kaloo ka heleysaa wararka ku saabsan waxyaabaha ka jira Bariga Helsinki, koorsooyinka, ururada shacabka iyo waxyaabaha ku saabsan arrimaha shaqaalaha maamulka.
Goobta la talintu waxay dadka ugu adeegtaa luuqadaha Finnishka, Ruushka, Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Bulgaariya, Turkiga, Kurdiga iyo Istooniyaanka.
Haddii loo baahdo turjubaan baa la isticimaalaa.
Waxaad weydiin kartaa talooyin ku saabsan arrimo badan oo kala duduwan:
- nolosha shaqada
- waxbarashada
- deegaanka (guryaha)
- sharciga waddanka lagu joogo
- xuquuqda daryeelka guud
- daryeelka arrimaha bulshada iyo caafimaadka
- dhaqamada kala duduwan ama arrimaha kale ee nolosha ee la xiriira nolol maalmeedka Finland gudheeda
Goobta la talinta dadka waddanka u soo guurey wakhti baad ka ballansan kartaa. Kombiyuutaradda barxadda hore yaalla ee macaamiisha loogu talagalayna waad isticimaali kartaa.
Sida loola xiriiro:
Tallinnanaukio 1 A, dabaqa 4aad
Tel. 09-3106 2674
Faksi 09-3106 2286
Macaamiisha waxay u furan tahay maalmaha shaqadu jirto saacadaha 9 – 15
Faahfaahin dheeraad ah
Gaadiidka (Liikenne)
Gaadiidka dadweynaha ee deegaanka magaalo-madaxda
Tilmaamidda jidka ee gaadiidka magaalo-madaxda
Gaadiidka basaska
(Linja-autoliikenne)
Deegaanka magaalo madaxda (Pääkaupunkiseutu)
Gaadiidka metrooga
(Metroliikenne)
Jedwellada Helsinki gudeheeda
Gaadiidka taraamka (Raitioliikenne)
Jedwellada Helsinki gudeheeda
Shaqaalaha maamullada ee muhiimka ah (Tärkeitä viranomaisia)
Boolis
Saldhigga Booliska ee Deegaanka Helsinki
Hay’adda badbaadada caymiska qaranka
Xafiisyada Kelada ee Helsinki ku yaalla
Xafiiska shaqada
Helsinki gudeheeda qofka waddanka u soo guurey marka ugu horaysa ee uu xafiiska shaqada imaanayo, wuxuu arrimihiisa ka dhammaystaa Waaxda adeegyada dadka waddanka u soo gurey (Maahanmuuttajapalvelujen yksikkö). Dadka u dhashay waddamada Ururka dhaqaalaha Yurub waxay danahooda ka fushadaan xafiiska shaqada laantiisa Kluuvi ku taalla qaybta shaqa raadinta ee EURES.
Meesha bogga xafiiska shaqada ee Helsinki ”Henkilöasiakkaat” waxaad ka heleysaa mid kugu xiraya Waaxda adeegyada dadka waddanka u soo gurey (Maahanmuuttajapalvelujen yksikkö). Meesha ”Tervetuloa kotisivuillemme” waxaad ka heleysaa mid kugu xiraya xafiisyada ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada.
Xafiiska adeegga arrimaha bulshada
Adeegyada arrimaha bulshada ee Helsinki gudeheeda waxaa laga helaa meelo kala duwan, meesha aad adeegga ka heleysaana waxay ku xiran tahay nooca adeegga aad u baahan tahay. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Adeegyada arrimaha bulshada ee Bangiga wararka.
Xafiisyada arrimaha bulshada ee Helsinki (sosiaaliasema)
Xafiiska canshuuraha
Xafiiska Canshuuraha ee Helsinki
Xafiiska diiwaangelinta
Xafiiska Diiwaangelinta ee Helsinki