Tervetuloa Helsinkiin!
Ku soo dhawow Helsinki
Helsinki waxay ku taallaa Gobolka Koonfurta Finland (Etelä-Suomen lääni), waxayna saaran tahay xeebta Gacanka Finland. Helsinki waxaa deggen 578 000 qof. Sannadkii 2008 dadka magaalada deggen 9.6 % luuqadooda hooyo waxay ahayd luuqad kale oo aan ahayn af Finnish ama Iswiidhish.
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Helsinki waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Helsinki, iyo cinwaanno internetka oo kugu xiraya boggag faa’iido leh oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Faransiis, af Jarmal iyo af Ruush .
Raadinta virtuaali-Helsinki waxaa lagu raadin karaa dhismayaasha iyo adeegyada ku yaalla Helsinki bartamaheeda. Virtuaali-Helsinki oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Khariidadda adeegyada magaalada Helsinki waxaa laga helaa magaalada Helsinki adeegyadeeda. Wararka waxaa lagu raadin karaa iyadoo la siticimaalayo adeegga magaciisa, cinwaanka guriga aad deggen tahay ama erayga raadinta iyadoo la isticimaalayo. Khariidadda adeegga af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka Helsinki waxaad ka heleysaa warar ku saabsan deegaanka Helsinki, adeegyada talosiinta ee deegaanka ka jira, sida go’aamada loo gaaro iyo siday dadka shacabka ahi saamayn ugu yeelan karaan arrimaha, iyo warar ku saabsan gaadiidka iyo warar ku saabsan hay’adaha dowlada ee muhiimka ah ee ku yaalla deegaanka Helsinki.
Talosiin luuqado kala duduwan ah
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Helsinki waxaa ku jira bog loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Goobta talosiinta ee dadka waddanka u soo guurey(Maahanmuuttajien neuvontapiste)
Goobta talosiintu waxay dadka waddanka u soo guurey ee Helsinki deggan siisaa adeegyo iyo hagitaan.
Goobta talosiinta waxaa laga helaa hagitaan iyo talooyin la xiriira xaaladaha kala duwan ee nolosha . Goobta talosiinta waxaa la weydiin karaa talooyin ku saabsan waxyaabahay ka midka yihiin sharciyada deggenaanshaha waddanka, koorsooyinka, sida loo codsado dhalashada waddanka , guryaha, daryeelka bulshada, shaqada, waxbarashada iyo caafimaadka. Goobta talosiintu waxay kaloo dadka u sheegtaa waxyaabaha ku saabsan shaqaalaha dowladu iyo ururada shacabku hawlaha ay qabtaan iyo adeegyada ay bixiyaan.
Shaqaalaha goobta talosiintu waxay dadka ugu adeegaan luuqadaha Finnishka, Ruushka, Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Bulgaariya, Turkiga iyo Kurdiga. Haddii loo baahdana waxaa la isticimaalaa turjubaan. Hadday suuragal tahay waxaa la isku dayaa in qofka macaamiisha ah talooyinka la siinayo loogu sheego luuqadiisa. Markaad tegeyso goobta talosiinta, khasab ma aha inaad hore ballan u sii qabsato, laakiin way fiican tahay inaad ballan qabsato, si aadan saf u gelin.
Meelaha lagala soo xiriiro:
Goobta talosiinta ee dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttajien neuvontapiste)
Pohjoisesplanadi 11-13
Qabsashada ballamaha (ugu yaraan af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis) iyo talosiinta
Tel. (09) 310 11 111
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada goobta talosiinta oo ah af Finnish , af Iswiidhish , af Ingiriis , af Carabi , af Somaali iyo af Ruush .
Dhallinyarada
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada waxaa lagu soo ururiyey cinwaanno internetka oo kugu xiraya boggag faa’iido leh oo loogu talagalay dhallinyarada, waxayna ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Xarunta Wargelinta Dhallinyarada ee Kompassi
Xarunta Wargelinta Dhallinyarada ee Kompassi waxaa laga helaa warar, talooyin iyo tilmaamo ku saabsan dhammaan su’aalaha dhallinyarada maskaxdooda ku jira. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah su’aalaha ku saabsan nolosha shaqada, waxbarashada, u guuridda waddan kale iyo hiwaayadaha (harrastus). Xarunta Wargelinta Dhallinyarada ee Kompassi boggeeda waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Xarunta Arrimaha Dhallinyarada
Xarunta Arrimaha Dhallinyaradu waxay dhallinyarada siisaa taageero iyo talooyin. Xarunta Arrimaha Dhallinyarada boggageeda waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Warsiinta hawlaha maamulka (Virka Info)
Warsiinta hawlaha maamulka (Virka Info) waa goob talosiin ah oo ka jawaabta su’aalaha ku saabsan magaalada Helsinki iyo adeegyada magaaladu bixiso. Goobtu waxay ku taallaa guriga maamulka magaalada (kaupungintalo), cinwaankeeduna waa Pohjoisesplanadi 11–13.
Telefoonka talosiinta Isniin - Jimce klo 9 - 15 (9:00 subaxnimo - 3:00 galabnimo), Tel. (09) 310 11111.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Virka Info oo ah af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Go’aan gaaridda Helsinki iyo siday dadka shacabka ah saamayn ugu yeelan karaan
Boggaga shebekadda internetka ee magaalada Helsinki waxaa ku qoran warar ku saabsan magaalada Helsinki maamulkeeda iyo sida go’aamada loo gaaro, wararku waa af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Jarmal iyo af Faransiis.
Sida wax loo soo sheego iyo sida arrin loo bilaabo
Waxaa suuragal ah in boggaga shebekadda internetka ee magaalada Helsinki lagu soo qoro wixii la soo dheegay, wixii su’aalo ah, fikradaha la soo jeedinayo ee ah waxyaabaha ay tahay in la qabto, wixii ammaan ah iyo wixii dhaliil ahba iyo weliba wixii kale ee la sheegayo ee magaalada xafiisyadeeda iyo hay’adeheeda loo sheegayo, waxaana lagu soo qori karaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Sidoo kale kooxaha gudigga ee magaalada wixii loo soo sheegayo waxaa loogu soo qori karaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Warfaafinta magaalada Helsinki
Xafiisyada waaxaha ee magaalada Helsinki boggogooda internetka ayey ku soo qoraan wararka ku saabsan waxyaabaha jira. Boggaga wararka ee ka dhexeeya ee adeegga Hel.fi ayaad ka heleysaa cinwaanno internetka ah oo kugu xiraya xafiisyada waaxaha iyo hay’adaha oo dhan boggoga ay wararka ku soo qoraan, waana af Finnish. Waxaad kaloo fiirisaa joornaalka wargelinta ee magaalada Helsinki ee la yiraahdo Helsinki-info noociisa shebekadda internetka ku jira, wuxuuna ku qoran yahay af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis .
Guddiga la tashiga ee arrimaha u soo guuridda iyo la qabsashada waddanka (Maahanmuutto- ja kotoutumisasioiden neuvottelukunta)
Helsinki waxaa ka jira guddi ah guddiga la tashiga ee arrimaha u soo guuridda iyo la qabsashada waddanka. Guddiga shaqadiisu waa inuu horumar ku sameeyo adeegyada loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey, iyo inuu kordhiyo sinnaanta, lana socdo inuu fulo barnaamijka istiraajiyadda ee magaaladu ugu talagashay dadka waddanka u soo guurey arrimaha muhiimka u ah.
Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish , af Ingiriis iyo af Ruush ah waxaad ka heleysaa boggaga xarunta dhexe ee shaqaalaha.
Bangiga wararka boggiisa Siyaasadda iyo maamulka Finland gudeheeda waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida Finland arrimaha saamayn loogu yeesho.
Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah ee Helsinki ku yaalla
Booliska (Poliisi)
Dadka Helsinki deggan waxaa u adeega Saldhigga Booliska ee Helsinki (Helsingin poliisilaitos). Booliska ajnebiga qaybtiisa arrimaha u soo guuridda waddanku waxay qaabilsan tahay arrimahan soo socda:
- sharciyada deggenaanshaha waddanka
- sharciyada deggenaanshaha wadddanka ee dadka waddanaka shaqada u yimaada
- arrimaha xuquuqda joogidda waddanka
- sii dheeraynta wakhtiga fiisuhu ku eg yahay
- fiisayaasha laabashada
- dukumeentiyada baasaboorka ajnebiga iyo dukumeentiyada lagu safro
- arrimaha dalashada waddanka
- arrimaha kaarka aqoonsiga ee dadka ajnebiga ah.
Booliska ajnebiga /qaybta arrimaha u soo guuridda waddanka
(Ulkomaalaispoliisi /Maahamuuttoyksikkö)
Viljatie 2
00700 Helsinki
Wakhtiyada dadka loo adeego Isniin - Jimce saacadaha 8:00 subaxnimo - 4:15 galabnimo (8 - 16.15)
Tel. 071 877 3220 (Isniin - Jimce saacadaha 9:00 - 11:00)
Faksi 071 877 2819
Wararka ku saabsan booliska ajnebiga oo ku qoran af Finnish iyo af Ingiriis.
Arrimaha ku saabsan leysanka baabuurta ee dadka ajnebiga ah haystaan waxaa qaabilsan Booliska Kaarti (Kaartin poliisitalo) Isniin-Jimce saacadaha 8:00 subaxnimo - 4:15 galabnimo (8 - 16.15).
Booliska Kaarti (Kaartin poliisitalo)
Punanotkonkatu 2
00131 Helsinki
Tel. 071 877 3180 (waxaa wax la weydiin karaa Isniin-Jimce saacadaha 10:00 subaxnimo - 2:00 galabnimo)
Saldhigga Booliska ee Helsinki laamihiisa kale ee adeegyada waa loo geyn karaa foomka lagu codsanayo kaarka aqoonsiga. Meelaha lagala xiriiro Saldhigga Booliska ee Helsinki laamihiisa waxaad ka heleysaa iyagoo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawlaha booliska waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Booliska, warar ku saabsan arrimaha sharciyadana waxaad ka heleysaa bogga Arrimaha sharciyada.
Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kansaneläkelaitos = Kela)
Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela) xafiisyadeeda Helsinki ku yaalla meelaha lagala xiriiro waxaad iyagoo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ka heleysaa adigoo kaashanaya boggaga internetka ee Kela.
Hawlaha ay Hay’adda Hawlgabka Qaranku (Kela) u xilsaaran tahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Hay’adda Hawlgabka Qaranka (Kela).
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki (työ- ja elinkeinotoimisto)
Xafiisyada shaqada iyo xoogsashada ee Helsinki ku yaalla
Adeegyada arrimaha sooshalka ee Helsinki
Adeegyada arrimaha sooshalka ee Helsinki
Xafiiska canshuuraha (Verotoimisto)
Bangiga wararka boggiisa Ku soo dhawow deegaanka Helsinki qaybtiisa Hay’adaha dowladda ee muhiimka ah waxaa ku qoran meesha lagala xiriiro xafiiska canshuuraha ee ka dhexeeya deegaanka magaalomadaxada.
Laanta adeega ee Vuorikatu (Vuorikadun palvelupiste)
Vuorikatu 14 (dhismaha Fennia dabaqa 1aad),
00100 Helsinki
Isniin-Jimce 9 - 16.15
Bangiga wararka boggagiisa Xafiiska canshuuraha iyo Canshuuraha waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha canshuuraha ee Finland gudeheeda.
Xafiiska diwaangelinta (Maistraatti)
Hawlaha uu xafiiska diwaangelintu qaabilsan yahay waxaad ka akhrisan kartaa Bangiga wararka boggiisa Xafiiska diwaangelinta.
Xafiiska diwaangelinta ee Helsinki (Helsingin maistraatti)
Albertinkatu 25
00181 HELSINKI
Tel. 071 87 30191
Faksi 071 87 31191
Wuxuu furan yahay Isniin - Jimce saacadaha 8 - 16.15
Adeegyada turjubaanka ee Helsinki gudeheeda
Warar ku saabsan turjubaannidda waxaad ka heleysaa Bangiga wararka boggiisa Ma u baahan tahay turjubaan.
Helsinki biilkeeda elektorooniga ah (Sähköinen lasku Helsingissä)
Magaalada Helsinki waxay dadka fursad u siinaysaa, inay elektorooniga ahaan u bixiyaan (e-lasku) biilasha, sida biilka xannaano maalmeedka carruurta, biilasha naadiga waxqabadka gelinka dambe ee iskuulleyda loogu talagalay ee gudoonka waxbarashadu qabanqaabiyo, biilka macaamiisha ee rugta caafimaadka iyo weliba biilka wakaaladda xoogga korontada ee Helsingin Energia iyo wakaaladda biyaha ee Helsingin Vesi.
Biilka E-lasku waa biil elektoroonig ah, oo uu qofka si toos ah loogu soo hagaajinayo shebekadda bangigiisa (oma verkkopankki). Marka hore qofku shebekadda bangigiisa ayuu la gelayaa heshiis ah inuu isticimaalayo nooca biilasha ee e-lasku, ka dibna waxaa la doortaa in magaalada Helsinki ay tahay qolada soo diraysa biilasha nooca e-lasku. Marka heshiiska la samaynayo, waxaa loo baahan yahay qofka heshiiska gelaya lambarkiisa aqoonsiga (henkilötunnus). Faahfaahin dheeraad ah waxaad weydiin kartaa bangigaaga.
Adeegga maamulidda dhaqaalaha (Taloushallintopalvelu) boggiisa ayey ku qoran tahay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan biilasha ah nooca e-lasku, waana af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .