Perhe Suomeen
"Qofka jacayl dartiis u safra, kunka mayl waxay u yihiin hal mayl."
(Maahmaah Jabaan ah)
Qoyskaaga waxaa suuragal u ah in loo ogolaado sharci ay Finland ku yimaadaan, haddii aad adigu Finland deggan tahay. Sida caadiga sharciga qofka loo siiyo ehelkiisa dartiis waxaa la siiyaa xubnaha qoyska oo keliya. Mararka qaar waxaa suuragal ah in qof kale oo ehel ah sidaa sharci lagu siiyo. Xubnaha qoyska waxaa Finland lagu xisaabiyaa:
- ninka ama xaaskiisa
- labada aan isqabin ee wada nool
- qofka ay wada leeyihiin xiriir saaxiibtinimo oo la diwaangeliyey
- ilmo da’diisu 18 sano ka yar tahay, oo aan xaas ahayn, qofka Finland deggenna uu masuul ka yahay.
Boggag Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttoviraston sivut) ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo ku saabsan, qofka siduu sharcigu dhigayo qoyska ka tirsan. U fiirso, dadka leh dhalasahda waddamada Ururka Midowga Yurub sharciyo gaar ah baa khuseeya!
Markaad sharciga u dalbanayso, maadaama uu qof qoyskaaga ahi halkan joogo, sida caadiga ah waxaa khasab ah inaad masruufkaaga heleyso.
Dalbashada sharciga joogidda waddanka
Sharciga ugu horeeya ee joogidda waddanka, sida caadiga ah intaan Finland la imaan ka hor ayaa laga codsadaa safaaradda Finland ay waddankaaga ku leedahay. Sidoo kale qofka ehelka ah ee Finland deggani halkan ayuu sharciga uga dalbi karaa qofka ehelkiisa ah ee wadanka kale jooga. Qofka ehelka ah ee sharciga kuu dalbayaa wuxuu codsiga geynayaa bsaldhigga booliska ee degmada uu deggan yahay. Finland gudeheeda foomamka codsiga waxaa laga helaa booliska, waddanka dibediisana safaaradaha Finland ayaa foomamka laga helaa.
Inta badan qofka sharciga codsaday waxaa khasab ku ah inuu go’aanka ku sugo waddanka dibediisa. Mararka qaarse qofka qoyska katirsani Finland buu imaan karaa oo isagoo Finland jooga ayuu sharciga jogidda dalban karaa, waa haddii nolosha qoysku ay waddanka dibediisa ku soo bilaabantay. Waxaase jira xeerar cadcad oo arrintan ku saabsan. Sidoo kale qofka dhalashada Finland leh qoyskiisu sharciga joogidda waddanka waxay codsan karaan iyagoo Finland jooga.
Faahfaahin dheeraad ah
Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca sharciga joogidda waddanka ee laysku siiyo qoys ahaanta darteed. Wararku waxay ku qoran yihiin luuqadahan soo socda:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis