Avustukset
Kaalmooyinka helitaankoodu waxay ku xiran yihiin xeerarka sharciyada iyo waxqabadyada. Meesha uu ururku lacagta ka codsan karaa waxay ku xiran tahay nooca waxqabadyada ee ururka. Tusaale ahaan, haddii ururku qabto hawlo la xiriira arrimaha sooshalka, wuxuu kaalmooyin ka codsan karaa waaxda sooshalka. Haddii ururka waxqabadkiisu la xiriiro isboortiga, kaalmooyin wuxuu ka codsan karaa ururada laamaha isboortiga ama waaxda isboortiga ee magaalada.
Si kaalmooyinka loo helo, waxyaabahan soo socda ayaa muhiim ah:
- Firfircoonaanta ururka
- Ururku waa inuu leeyahay taariikh waxqabad oo ugu yaraan hal sano ah (qoraalka waxyaabaha la soo qabtay = toimintakertomus)
- Ururku qaybta uu isagu la imaanayo (lacagta)
- Warbiximaha ay soo sameeyeen dadka ururka xisaabxirkiisa hubiyey
- Haddii ururku uu kaalmada ka dalbanayo hay’ad magaaladu leedahay, markaas waxqabadka ururku waa inuu ahaadaa mid ka jira isla magaaladaas
- Lambarka diwaanka ee ururka (Yhdistyksen rekisterinumero)
- Mashruuca ama waxqabadka dartiis kaalmada loogu baahan yahay
- Kaalmada waa in wakhti fiican la dalbadaa
- Codsiga waa in si sax ah loo buuxbuuxiyaa
Kaalmooyinka waxaa laga dalban karaa, tusaale ahaan meelahan: