Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Isqabid iyo xiriirka wada socoshada

Avioliitto ja parisuhde

Waxaa guursan kara qof walba oo

  • ay u buuxsantay 18 sano
  • aanay qof kale isqabin ama aan lahayn nooca xiriirka ee labada qof ee isdiwaangashaday.

Waxaase jirta in qofka sideed iyo toban sano ka yari guursan karo, haddii uu wasaaradda caddaaladda ogolaansho ka haysto.

Faahfaahin dheeraad ah oo guurka ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Wasaaradda caddaaladda (Oikeusministeriö). 

Haddii aad rabto, nikaaxa ka hor ayaad samayn kartaa heshiishka shuruudaha isguursashada, waxaadna ku heshiinaysaan, in markaad isguursataan ka dib midkiinna aanu xaq ku yeelanayn hantida kan kale.

Tusaale ah heshiiska shuruudaha isguursashada

Warar ku saabsan markuu qofka ajnebiga ahi wax nikaaxsanayo ama la nikaaxinayo waxaad heleysaa iyagoo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Finland waa suuragal, inay laba nin ama laba naagood ay is diiwaangashadaan sidii wax isqaba. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda caddaaladda iyo Ururka sinnaanta sekshiwal ahaan (SETA ry).

Warar ku saabsan sida ay laba qof oo ajnebiga ah xiriirkooda sharci ahaan u diwaangelinayaan, oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iwiidhish