Structure_LogoPart1



Hay’adda badbaadada caymiska qaranka

Kansaneläkelaitos (Kela)

Mararka qaar qofku wuxuu u baahan karaa taageerada bulshada. Hay’adda badbaadada caymiska qaranka ee looyaqaan Kela ayaa qaabilsan waxyaabaha daryeelka arrimaha bulshada ee aasaasiga ah ee qofka Finland ku nool. Kela waxa lagu maalgeliyaa canshuurta dadka laga qaado. Boggaga Kelada ayaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo ku saabsan, qofka xaqa u leh daryeelka arrimaha bulshada.

Kelada tusaale ahaan waxaa suuragal ah inaad ka dalbato lacagta taageerada shaqa la’aanta (työmarkkinatuki) ama lacagmaalmeedka bukaanka (sairauspäiväraha). Shaqaalaha maamulka ee hay’adaha kala duwan wada shaqay ayaa ka dhaxaysa. Tusaale ahaan dadka shaqa la’aanta ahi Kelada kaalmo kama dalban karaan, haddii aanay xafiiska shaqada ugu jirin inay shaqo raadis yihiin.

Boggaga Kelada ayaad ka raadsan kartaa xafiiska Kelada ee kuugu dhow. Bogga ka dooro magaca degmadaada.

Faahfaahin dheeraad ah oo Kelada ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga  Kelada iyagoo Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis ah.