Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Guri uu qofku isagu iska leeyahay

Omistusasunto

"Deriska wanaagsani qiimaha gurigu leeyahay ayuu labanlaabaa."
(Maahmaah Jarmal ah)

Guri uu qofku isagu iska leeyahay

Guriga uu qofku isagu iska leeyahay waxaad heleysaa, haddii aad hanti kugu filan leedahay. Bangiga ayaad deyn aad guriga ku iibsato ka dalban kartaa. Lacagta guriga aad ku gadanayso oo dhan deyn lagugama siinayo. Waxaa jira nidaamyo kala duduwan oo deynka ah, kuwaas oo loogu talagalay dadka da’aha kala duduwan ah. Bangigaaga weydii noocyada kala duduwan ee lacagta loo dhaqaalaysto iyo deynka guryaha.

Taageerada dulsaarka deynka

Dowladu waxay ogolaataa inay deymanka bangiyada laga qaato dulsaarkooda taageerto, dammiinna ka noqoto. Dowladu toos qofka uguma ogolaato lacag deyn ah oo uu guri ku gato. Waxaase jira laba nidaam oo kala duwan oo qofka loogu ogolaado in laga taageero dulsaarka deynka. Qofku marka ugu horaysa ee uu gadanayo gurigii ugu horeeyey taageerada dulsaarka waxaa looga ogolaadaa nidaamka (ASP-järjestelmä) iyo weliba nidaamka taageerada dulsaarka (korkotukijärjestelmä).

  • ASP waa nidaamka urursashada lacagta guriga iyo taageerada (asuntosäästö- ja tukijärjestelmä). Waxaa loogu talagalay dhallinyarada rabta inay gataan guriga ugu horeeyey ee ay leeyihiin. Qofku markuu lacag ururusashada bilaabayo waa inuu ahaadaa 18-30 sano.
  • Noocyada kale ee taareeda dulsaarka deymanka (korkotukilaina) ee dowladda (Fiiri qaybta "Guryaha layska leeyahay = Omistusasunnot") waxaa loogu talagalay dhisashada guri gaar ah oo layska leeyahay (omakotitalo) iyo sidii loo gadan lahaa guri dhismo ka tirsan. Gadashada guri uu qofku isagu iska leeyahay sida kale ee ay dowladu dadka uga taageertaa waa, dulsaarka deymanka guryaha waxaa xisaabtooda vlaga reebi karaa canshuurta.

Boggaga Asuminen.fi waxaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha guri uu qofku iska leeyahay. Wararkaasi waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Bogga Asuntojen.hintatiedot.fi waxaad ka heleysaa warar faahfaahsan oo ku qoran af Finnish iyo af Iswiidhish oo ku saabsan guryaha la gaday qiimaha lagu gaday.

Boggaga Ymparisto.fi waxaad ka heleysaa warar faahfaahsan oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis oo ku saabsan sidaad u maalgelin kartid markaad rabto inaad guri aad iska leedahay gadato.

Boggaga hay’adda wax gatayaasha ayaad ka fiirsan kartaa waxyaabaha ay tahay inaad tixgeliso, markaad rabto inaad guri gadato.

Guri uu qofku qayb ahaan leeyahay

Haddii aad awoodi weydid inaad si toos ah guri aad adigu leedahay u gadato, guri aad qayb ku leedahay (osaomistus)  baa ku noqon kara dariiqa aad ku gaari lahayd guri aad adigu leedahay. Qofka guriga deggani marka hore wuxuu bixinayaa qayb ka mid ah qiimaha gurigu joogo. Sidaas darteed guriga qayb qiimuhuu bixiyey u dhiganta ayuu ku yeelanayaa. Shirkadda guriga dhisatay ayaa guriga intiisa badan iska leh. Guriga marka hore ijaar ahaan ayaad u deggenaanaysaa, ka dibna waad la wareegi kartaa.

Boggaga Ymparisto.fi ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis, oo ku saabsan guryaha uu qofku qayb ahaan leeyahay.