Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Guri ijaar ah

Vuokra-asunto

"Haddii deriskaagu wakhti hore tooso, adiguna waxaad noqonaysaa mid subixii firfircoon."
(Maahmaah Albaaniyaan ah)

Xagee baan ka heleyaa guri ijaar ah?

Kuwa guryaha ijaara waxaa ka mid ah magaalooyinka iyo degmooyinka, shirkadaha guryaha dhisa, ururro, shirkadaha caymiska, bangiyada iyo dadka shakhsiyaadka ah ee guryaha iska leh.

Guryaha ijaarka qaarkood kharashka lagu dhisay dowladda ayaa dhaqaale ahaan caawisay. Guryaha noocaas ah ee lagu dhisay arava ama deynka dulsaarkiisa la taageero intooda badan waxaa dhista oo iska leh degmooyinka iyo ururada shacabka ee danaha guud (yleishyödylliset yhteisöt). Dadka la siiyo guryaha lagu dhisay taageerada dhaqaale ee dowladda, waxaa lagu doortaa sababo arrimaha bulshada ah. Faahfaahin  dheeraad ah oo ku saabsan sababaha doorashda iyo sida guryahaas loo codsado waxaad ka heleysaa bogga ympäristö.fi, iyagoo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Waxaa jira guryo ardayda loogu talagalay iyo guryo dhallinyarada loogu talagalay. Kooxaha khaaska ah, tusaale ahaan dadka naafada ah iyo kuwa waayeelka ah, waxaa jira guryo khaas ah oo loogu talagalay.

Waxaad kaloo samayn kartaa inaad qof guri ijaar ah deggan hal qol ka ijaaratid (alivuokralainen).

Shaqabixiyaha xitaa waad weydiin kartaa, inay suuragal tahay inaad heshid guryaha shaqaalaha loogu talagalay. Guryaha shaqaalaha loogu talagalay waxay ku xun yihiin, haddii aad shaqada ka tagto, waxay noqonaysaa inaad gurigana ka guurtid.

Wararka ku saabsan sida loo raadsado guryaha ijaarka ah waxaad ka heleysaa bogga Bangiga waraka ee  Xaggee guri laga helaa?

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha guri ijaar ah

Waxaa wanaagsan inaad mar walba gashid heshiiska ijaarka isagoo qoraal ah!

Guryaha ijaarka ah oo dhan waxaa saameeya sharciga ku saabsan ijaarashada guri la dego. Sharciga waxyaabaha ku qoran waxaa ka mid ah xeerarka ku saabsan heshiiska ijaarka, caddadka lacagta ijaarka iyo ogeysiinta in guriga laga guurayo oo heshiiskii ijaarku sidaa ku dhammaanayo iyo baabi’inta heshiiska ijaarka (ka noqoshada ijaarka).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan deggenaanshaha guri ijaar ah ka akhriso bogga asuminen.fi. Boggu wuxuu ku qoran yahay af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.