Liikenne
Isticimaalka baabuurta
Finland wadooyinka baabuurtu waxay martaa dhinaca midigta. Xeerarka gaadiidka si aad ah ayaa loogu dhaqmaa. Sharcigu wuxuu dhigayaa, in marka baabuur la saaran yahay ay tahay in la xirto suunka baabuurka, carruurta dhererkoodu ka yar yahay 135 cm markay baabuurka saaran yihiin waa inay isticimaalaan kursiga badbaadada
Qofka weyn ee baabuurka saaran ayaa masuul ka ah, in ilmuhu markuu baabuur saaran yahay uu isticimaalo suunka baabuurka ama qalabka badbaadada ee loogu talagalay.
Gaadiidka matoorka ku shaqeeya ee socda ee la isticimaalo waa khasab inay maraan baaritaanka isticimaalka waana in la diwaangeliyaa. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida baabuurka loo marsiiyo baaritaanka isticimaalka waxaad ka heleysaa boggaga booliska.
Waditaanka baabuurta iyo mootooyinka waxaa loo baahan yahay kaarka wadidda (laysan). Si aad u qaadan karto kaarka waditaanka waxaa loo baahan yahay in da’daadu tahay ugu yaraan 18 sano. Waditaanka gaadiidka waxaad ku baran kartaa iskuulka waditaanka baabuurta lagu barto ama waxaa ku bari kara qof boolisku si gaar ah ugu ogolaaday ogolaanshaha baritaanka waditaanka. Qofku markuu soo qaato waxbarashada waditaanka gaadiidka ka dib waa inuu galaa imtixaan qoraal ah iyo imtixaan wadidda ah oo ay hay’adaha baaritaanka baabuurtu (katsastuskonttori) qabanqaabiso, waana inuu qofku labada imtixaanba ku baasaa, si uu u qaato shahaadada waditaanka. Qofku markuu qaato shahaadada waditaanka ka dib, ayuu boolisku qofka siiyaa kaadhka waditaanka (laysan).
Inta badan kaarka wadidda ee waddan kale laga bixiyey waxaa lagu beddelan karaa mid Finnish ah.
Boggaga booliska ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo bedesho kaarka wadidda ee waddan dibedda ah laga bixiyo, iyadoo ah, af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Xilliga jiilaalka (berefka) in Finland baabuur lagu wadaa waxay noqon kartaa mid aan sahlaneyn. Boggaga Hay’adda Nabadgelyada Gaadiidka (Liikenneturva) ayaa waxaa ku qoran talooyin nabadgelyada ku saabsan iyo sida xilliga jiilaalka baabuurta loo wado:
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Ruush
Faahfaahin dheeraad ah oo nabadgelyada wadooyinka (gaadiidka) ku saabsan waxaad kaloo ka heleysaa boggaga Suomi.fi
Taksi waxaad ku heli kartaa inaad telefoon ku dalbato ama ama waxaad ka qaadan kartaa meelaha ay istaagaan ee saldhigga u ah.
Warar ku saabsan sida taksiga looga dalbado degmooyinka kala duduwan
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gaadiidka tagaasida waxaad ka heleysaa boggaga Ururka Taksiyada ee Finland warakaas oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriisaf Jarmal iyo af Faransiis.
Wadidda baaskiilka iyo socodka lugta ah
Magaalooyinka iyo meelaha la deggen yahay inta badan waxay leeyihiin wadooyin baaskiilka loo calaameeyey oo si hagaagsan aad meel uga tegi kartid oo aad meel kale ku tegi kartid. Haddii ay khasab noqoto inaad jidka baabuurta marto, isticimaal geeska dhinaca midigta. Sharcigu wuxuu dhigayaa, in markaad Finland dhexdeeda baaskiil ku wadato ay tahay inaad isticimaasho koofidda baaskiilka.
Waxaa jira magaalooyin badan oo soo saara khariidado ay ka muuqdaan jidadka baaskiillada loogu talagalay ee magaaladaas deegaankeeda ku yaalla. Khariidado waxaad weydiisan kartaa tusaale ahaan xafiiska dalxiiska ee magaalada. Khariidadaha jidadka baaskiilladu ku yaallaan oo la gado waxaad ka soo gadan kartaa meelo ay ka mid yihiin dukaamada buugaagta daabacan lagu gado.
Qofkuu markuu lugaynayo waa inuu maraa marshabiyeediga ama hadday jirto wado loogu talagalay gaadiidka fudud. Haddii kale qofka lugaynayaa waa inuu wadada geeskeeda maraa. Geeska bidixda ayaa inta badan nabadgelyo ahaan fiican. Xasuuso wakhtiga mugdiga ah ama madowgu jiro qofka baabuurka wada aad bay dhib ugu tahay inuu arko qofka lugaynaya ama qofka baaskiilka wata. Sidaas darteed sharcigu wuxuu dhigayaa in Finland ay tahay in qofku markuu wakhti mugdi ah lugaynay ay khasab ku tahay inuu isticimaalo shay markuu iftiinku ku dhaco iftiinka soo celiya (heijastin). Qalabka noocan ah (Heijastin) waxaa lagu gadaa tusaale ahaan dukaamada alaabta isboortiga iibiya iyo dukaamada waaweyn iyo kiyooskiyada intooda badan iyo farmashiyaayaasha iyo saldhigyada shidaalka. Qofka baaskiilka wataana waa inuu hubsadaa in baaskiilkiisu nal leeyahay.
Hay’adda Nabadgelyada Gaadiidka qoraalkeeda dadka lugaynaya loogu talagalay oo luuqad sahlan ku qoran
Hay’adda Nabadgelyada Gaadiidka qoraalkeeda dadka baaskiilka wata loogu talagalay oo luuqad sahlan ku qoran
Gaadiidka dadweynaha
Gaadiidka dadweynuhu Finland si fiican buu u shaqeeyaa. Gaadiidka dadweynuhu waa nooc safar oo deegaanka dabiiciga ah u fiican oo dhaqaale ahaanna raqiis ah.Tareemada iyo basasku waa nadiif, meel walba oo Finland ah oo ay u socdaanna jadwal bay ku socdaan.
Tareemada waxaa iska leh Shirkadda Tareemada ee Qaranka (VR). Tikidhka safarka iyo booska aad fariisanayso waxaad ka ballansan kartaa oo ka gadan kartaa saldhigyada tareemada ama boggaga shebekadda Hay’adda Tareemada Qaranka.
Shirkadaha basaska iska leh Finland way badan yihiin, laakiin shirkadaha basaska oo dhan tigidhada meel baa laga wada gadan karaa Matkahuolto xafiisyadooda ama boggaga shebekadda internetka.
Jedwalka tareemada
Jedwalka basaska meelaha fogfog aada
Adeegga jidka la marayo ee gaadiidka guud ayaa meel walba oo Finland ah wuxuu kaa caawinayaa inaad doorato jidka aad marayso.
Gaadiidka cirka
Finland waxaa ku yaalla 24 garoon oo diyaaradaha ah. Garoonka ugu weyn waxaa la yiraahdaa Garoonka Diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa.
Garoomada diyaaradaha ee Finland
Shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee Finland waxaa ka mid ah Finnair iyo Blue1. Waxay aadaan waddanka gudihiisa iyo dibediisaba.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan gaadiidka cirka
Meelo kugu hagaajinaya boggag faa’iido leh
Boggaga internetka ee VisitFinland waxaad ka heleysaa khariidad af Ingiriis ah oo meel walba oo Finland ah ku taallo.
Hay’adda maamulka jidadka (Tiehallinto) boggageeda internetka waxaa ku qoran warar ku saabsan waxyaabo ay ka mid yihiin sharciyada gaadiidka jidadka,cimilada ka jirta jidadka gaadiidka iyo weliba kalkuleytar kuu xisaabinaya fogaanta ay laba meelood isu jiraan.