Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Furriinka

Avioero

Labada qof ee isqabaa furriinka way wada dalban karaan, ama midkood baa keligiis dalban kara. Codsiga furriinka waxaa la geynayaa xafiiska maxakamadda ee ku yaalla degmada labada qof midkood deggan yahay.

Haddii labada qof midkood keligiis furriinka dalbanayo, maxakamaddu codsiga waxay u diraysaa kan kale si uu u ogaado. Xukunku wuxuu noqonayaa furriin, xitaa haddii labada qof midkood furriinka diidan yahay. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Wasaaradda caddaaladda.

Markay jirto xaalad furriin ah, waxaa suuragal ah in la helo dad iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo dadka is furaya ka dhexdhexaadiya arrimaha qoyska. Dhexdhexadinta waxaa ka qaybqaadan kara dhammaan xubnaha qoyska ama qaarkood. Xafiiska arrimaha bulshada weydii, meesha ay suuragalka tahay in dhexdhexaadin laga helo. Faahfaahin dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaaboggaga Wasaaradda caddaaladda.

Haddii qoysku carruur leeyahay, waa muhiim in laga heshiiyo masruufka carruurta iyo qoyka ay guriga kula noolaanayaa. Boggaga Ururka masuulka kelida ah iyo masuul ka wada noqoshada (Yksinhuoltajien ja yhteishuoltajien liitto) waxaa ku jira warar badan oo ay ka mid yihiin kuwo furriinka ku saabsan.

Bangiga wararka boggiisa Dhibaatooyinka qoyska waxaad ka heleysaa meelaha bixiyaha talosiinta qoysaska.