Structure_LogoPart1



Dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare ee dadka waaweyn ee waddanka u soo guurey

Maahanmuuttaja-aikuisten peruskoulu ja lukio

Dadka waaweyn ee waddanka u soo guurey waxay ka qaybqaadan karaan waxbarashada luuqadda Finnishka lagu qaato ee dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare, waxbarashooyinkaas waxaa lagu dhigtaa dugsiyada sare ee dadka waaweyn, sidaas ayeyna ku dhigan karaan caddadka waxbarashada ee dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sare, waxayna geli karaa imtixaanka lagu qaato shahaadada dugsiga sare (ylioppilas).

Qofka weyn si uu dugsi hoose/dhexe u galo waxaa laga rabaa inay da’diisu tahay 16 sano. Dugsi sarena waxaa laga rabaa aqoonta dugsiga hoose/dhexe iyo inay da’diisu tahay 18 sano.

Waxbarashada luuqadda Finnishka ayaa lagu qaataa. Si aad waxbarashadan u samayso waxaa loo baahan yahay in aqoontaada luuqadda Finnishku tahay mid heer kugu filan ah, taas oo macneheedu yahay, waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo kale waxaa loo baahan yahay in aqoontaada luuqadu tahay ugu yaraan heerka (YKI 2), dugsiga sarena ugu yaraan heerka (YKI 3) Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Imtixaanka Guud ee Shahaadada Luuqadaha (Yleinen kielitutkinto YKI) waxaad ka heleysaa boggaga Guddiga Waxbarashada (opetushallitus). Dugsiga sare ee dadka waaweyn imtixaanada oo dhan waxaa lagu gaaa luuqadda Finnishka. Koorsooyinka oo dhan waa la qiimeeyaa, waxbarashadana qofka shahaadaa lagu siiyaa. Waxaa jira dugsiyada sare ee dadka waaweyn oo luuqadda Finnishka booskeeda afka hooyo ahaan (Äidinkieli) lagu beddelan karo inuu ardaygu luuqadda Finnishka u barto luuqad ajnebi ahaan (suomi toisena kielenä).

Wakhtiga waxbarashadu waa fiidkii, sida caadiga ahna waa Isniinta ilaa Khamiista. Inuu qofku dhigto waxbarashada dugsiga hoose/dhexe waxay ku qaadataa 2 – 4 sano waxaynaku xiran tahay aqoonta luuqadda Finnishka ee qofka. Dhammaysashada waxbarashada dugsiga sare qofku waa inuu ugu talagalaa wakhti gaaraya 3 – 5 sano.

Waxbarashadu lacag la’aan bay u tahay ardayga qaadanaya waxbarashada dugsiga hoose/dhexe oo dhan ama dugsiga sare.

Waxbarashada dadka waaweyni qofka uma aha hawlmaalmeedkiisa. Sidaa darteed laguma qaato lacagta taageerada ardaynimada.

Dadka shaqa la’aanta ah way dhigan karaan dugsiga sare ee dadka waaweyn, iyagoo qaadanaya lacag maalmeedkooda shaqa la’aanta. Dadka ku jira la qabsashada waddanku, markay wax ka baranayaan dugsiga sare ee dadka waaweyn, waxay heli karaan lacagta taageerada la qabsashada waddanka.

Shahaadada dugsiga hoose/dhexe lagaga baxo waaad ku caddayn kartaa in aqoontaada luuqadda Finnishku tahay mid kugu filan.

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga
Iltakoulut
Aikuiskoulutusopas

Ma rabtaa inaad waxbarashada dugsiga sare ee dadka waaweyn ku qaadato luuqadda Iswiidhishka ama Ingiriiska? 

Helsinki iyo Vaasa  waxaa ku yaalla dugsiyo sare oo dadka waaweyn ah oo luuqadda wax lagu bartaa ay Iswiidhish tahay.

Dugsiga sare ee dadka waaweyn ee Eira ee Helsinki ku yaallaa wuxuu leeyahay laan luuqadda ingiriiska wax lagu barto.