Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Diwaangelinta ururka

Yhdistyksen rekisteröinti

Khasab ma aha in ururka la diwaangeliyo. Xagga fulinta iyo qabanqaabinta hawlaha waxaa inta badan wanaagsan in ururka la diwaangeliyo, sababtoo ah:

  • Ururka la diwaangeliyey hawlihiisa waxaa masuul ka ah guddiga, dadka xubnaha ka ahi shakhsi ahaan masuul ugama aha
  • Ururka la diwaangeliyey waa urur sharciyaysan oo mashruucyadiisa dartood maalgelin u codsan kara, awoodana inuu helo kaalmooyin
  • Ururka koonto (akawnti) ayaa bangiga looga furi karaa
  • Wuxuu heli karaa ogolaansho uu lacag dadka kaga soo ururisado
  • Ururku wuxuu dalban karaa meelo uu ku shiro oo lacag la’aan ah ama raqiis ah
  • Dadku waxay inta badan aamminaan ururka la diwaangeliyey, dad badan ayaana ku soo biiraya ururku markuu yahay mid la diwaangeliyey
  • Waxaa fududaanaysa in wadashaqayn lala yeesho heshiisyana lala galo ururada kale iyo shaqaalaha maamulka dowladda

Yhdistystoimintaopas -> ”Rekisteröity vai rekisteröimätön”.

Patentti- ja rekisterihallituksen yhdistysrekisteriasiainyksikkö wuxuu qaabilsan yahay arrimaha ururada, waxayna ururada siiyaan talooyin.

Foomam ah tusaale xeerarka ah

Yhdistystoimintaopas -> ”Rekisteröinti”.

Yhdistyksen rekisteröinti maksaa. Wararka ku saabsan qiimaha (Patentti- ja rekisterihallitus)

Patentti- ja rekisterihallitus
Yhdistysrekisteri
Arkadiankatu 6 A, Helsinki
PL 1150, 00101 Helsinki
Tel. 09- 6939 500
Faksi: 09- 6939 527