Structure_LogoPart1



Dhimashada

Kuolema

Dhimashada degdegga ah waa in booliska la ogeysiiyaa, sababtoo ah iyagaa u xilsaaran in la baaro sababta dhimashada, haddii loo baahdo. Xasuuso inaad dhimashada u sheegtid shaqaalaha maamulka ee muhiimka ah.

Markuu dhakhtarku ogaado, waxa keenay dhimashada qofka, ka dib ayuu qoraa caddaynta dhimashada (kuolintodistus). Caddaynta dhimashada waa loo baahan yahay si qofka loo aasi karo. Ka dib markuu dhakhtarku qoro caddaynta dhimashada ayuu xafiiska diiwaangelintu (Väestörekisteri) ama kaniisaddu (seurakunta) bixiyaan ogolaanshaha qofka lagu aasi karo.

Boggaga Kelada waxaa ku qoran liis ah arrimaha ay tahay inaad xasuusato,markuuu qof ehel ahi dhinto.

Duugidda (aasidda)

Qabanqaabinta duugidda waxaad caawimo ka heli kartaa ururada diimaha. Faahfaahin dheeraad ah weydii bulshadaada. Xafiisyada duugidda waxaa laga helaa adeegyo waase lacag.

Suomen Hautaustoimistojen Liitto
Pro-Seremoniat

Qabuurta

Dhulka qabuuraha ee Finland intooda badan waxaa iska leh kaniisadda, laakiin qbuur waad heli kartaa xitaa adigoo aan kaniisadda ka tirsanayn. Warayso xafiiska madaxa kaniisadda ee degmadaada ama xafiiska qabuuraha ee kaniisadda. Degmooyinka qaar baa waxaa ku yaalla qabuuro ay leeyihiin diimaha kale ee waaweyn. Ururada dadka fikradaha madaxa bannaan (Vapaa-ajattelijayhdistykset) ayaa waxay leeyihiin dhul qabeereed cid walba u furan. Aasaasid dhul qabuureed barayfit ah ama meel dadka lagu aaso waxaa loo  baahan yahay ogolaansho. Ogolaanshaha waxaa laga dalbadaa guddiga gobolka (lääninhallitus).

Caawimada duugidda

Mararka qaar qofka dhintay wuxuu xaq u yeelan karaa caawimo duugidda ah, shaqadiisa darteed. Arrintan ka warayso shaqabixiyihii ugu dambeeyey. Qofka dhintay ee aan hantida lahayn, kharashka duugiddiisa ku baxa waxaa caawimo laga dalban karaa xafiiska adeegga arrimaha bulshada ee degmadiisa.

Hawlgabka qoyska

Qofka laga dhintay iyo carruurtu waxay heli karaan hawlgabka qoyska. Haddii qofka ehelka ah ee dhintay uu shaqo mushahar leh ka shaqyn jirey, qoysku wuxuu heli karaa hawlgabka qoyska ee waafaqsan sharciga hawlgabka shaqada. haddii dakhliga qoysku uu yar yahay, qoysku wuxuu heli karaa hawlgabka qoyska ee Kelada (perhe-eläke).

Qoraalka dhaxalka

Qoraalka dhaxalka waa in lagu sameeyaa markuu qofku dhinto saddex bilood gudohood. taas darteedna waxaa loo baahan yahay caddayn xaqiiq ah ooo muujinaysa wax u ahaansha qaraabanimo ee qofka dhintay dhalashadiiisa ilaa dhimashadiisa. Dadka dhaxalka wax ku leh ee qofka dhintay hantidiisa dhaxlaya, waxaa laga rabaa warqadda sugnaanta. Dhaxalka waxaa laga bixiyaa canshuur. Sidaa darteed waa in qoraalka dhaxalka marka la sameeyo bil gudeheed lagu geeyaa xafiiska canshuuraha. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga hay'adda caddaaladda (oikeuslaitos) iyo maamulka canshuuraha (verohallinto).

Meelaha kugu xiraya:

Sharciga shaqooyinka aasidda
Meelaha lagala xiriiro kaniisadda Luteriaanka
Sida ay diinta Islaamku qabto in Finland loogu daryeelo qbukaanka dhimanay iyo sida ay tahay in la yeelo qofka dhintay