Structure_LogoPart1



Dhibaatooyinka mukhaadaraadka

Huumeongelmat

Haddaad u baahan tahay in lagaa caawiyo dhibaatooyinka mukhaadaraadka, waxaad soo wici kartaa A-kiliniga kuugu dhow. Adeegyada A-kiliniga ee degmadu waa lacag la’aan, haddii qofku  si joogto ah Finland u deggan yahay.

Dadka 25 sano ka yar waxay sidoo kale la xiriiri karaan saldhigga dhallinyarada (nuorisoasema). Meelahan waad la soo xiriiri kartaa, haddii qof ehelkaaga ahi isticimaalo waxyaabaha maskaxda dooriya. Adeegyada daryeelku qofka macaamiisha ah waa u lacag la’aan. Saldhigyada dhallinyaradu waxaa laga helaa terabiya, kooxo kala duwan iyo koorsooyin kala duwan.

A-kilinigyada intoda badan iyo sldhigyada dhallinyaradu waxay leeyihiin qaabilaad heegan ah (päivystysvastaanotto).

Finland waxaa ka jira meelo si sahlan loola xiriiri karo oo ah goobaha la talinta arrimaha caafimaadka, tusaale ahaan meesha la yiraahdo "Vinkki", meeshan waxaa iyagon ballan qabsan magacodana sheegin tegi kara dadka isticimala darooga laysku duro. Goobahan waxaad ka heleysaa macluumaad, taageero iyo daryeel caafimaad. Sidoo kale meelaha qofku markuu geeyo silinge uu isticimaalay waxaa loogu bedelayaa silinge nadiif ah.

Dhibaatooyinka mukhaadaraadka dartood waxaa kaloo ula xiriiri kartaa rugta caafimaadka ama xafiiska adeegyada arrimaha sooshalka ee xaafadaada.

Ururka Mukhaadaraadka ka fuq (Irti huumeista ry): wuxuu taageeraa dadka mukhaadaraadka isticimala iyo ehelkooda. Telefonka adeegga: 010 80 4550. Wax ka ogow hawlaha ururkan ee meelaha kala duwan ee Finland.

Isku xiraha maskax dooriyayaalka (Päihdelinkki): Waa kan Finland gudeheeda uu ballaaran ee ah adeegga internetka ee ay ku jiraan waxyaabaha ku saabsan maskaxdooriyayaalka iyo waxyaabaha adikshanka ah. Af Finnish ama Iswiidhish ama Ingiriis ayaad wixii talooyin ah ku weydiin kartaa adigoon magacaaga sheegin.

Daroogiistayaalka aan magacawnayn (Nimettömät narkomaanit NA): waxay leeyihiin koox iskaashata oo si joogto ah u kulanta. Waxaa xubin ka noqon kara qof walba o raba inuu joojiyo isticimaalka mukhaadaraadka.

Wargelinta.caawimada (Apua.info): Waa irid weyn oo laga helo wrarka ku saabsan adeegyada ururada kala duwan. Waxaana laga helaa warar mukhaadaraadka ku saabsan.

Finland.fi (Suomi.fi)