Structure_LogoPart1



Dhibaatooyinka carruurta iyo dhallinyarada

Lasten ja nuorten ongelmat

Carruurta iyo dhallinyaradu waxay dhibaatooyinkooda usheegan karaan tusaale ahaan, kalkaalisada caafimaadka iskuulka, qofka arrimahabulshada u qaabilsan iskuulka (koulukuraattori) ama cilminafsiyaqaanka iskuulka.telefoonada adeegga waxaa talo lagaga heli karaa ugu yaraan luuqadda Finnishka (tusaaleahaan Ururka badbaadada carruurta ee Mannerheim, Mannerheimin lastensuojeluliitto, telefoonkiisa carruurta iyodhallinyarada). Qofka telefoonka soo diraya loogama baahnainuu magaciisa sheego.

Awoodida haynta ilmaha yar

Markaad ilmo yar haysato nolol maalmeedka caadiga ahi xitaa waxay ku noqon kartaa hawl culus. Dhibaatadaadawaxaad kalahadli kartaa rugta daryeelka carruurta. Sidoo kale boggaga Guriga ugu horeeya (ensikoti) waxaad ka heleysaa warar ahcaawimada xaaladaha kala duduwan.

Markaad ummushay ka dib miyuu niyadjab (masennus) kugu dhacay?

Rugaha latalinta qoysaska

Rugaha latalinta qoysasku waxay carruurta iyo dhallinyarada iyo waalidiintooda kacaawiyaa arrimaha la xiriira barbaarinta carruurta, koriinka iyo arrimaha xiriirka dadnimo ee qoyska dhexdiisa.

Markuu ilmuhu jirrado

Fiiri bogga Markuu ilmuhu jirrado.

Ku dhibidda iskuulka

Dhibiddu (kiusaaminen) waa dagaal xagga nafsadda ah amaxagga jirka ah oo soo noqnoqda. Dhibidda waa inaad mar walba qof weyn u sheegtaa, tusaale ahaan macallimada amakalkaalisada caafimaadka. Waxaad sidoo kale wici kartaa lambarka lacag la’aanta ah ee Ururka Badbaadada Carruurta ee Mannerheim (Mannerheimin lastensuojeluliitto) ee caawinta Carruurta iyo dhallinyarada. Lambarku waa 0800-120 400. Haddaad rabto, Netka Carruurta iyo dhallinyarada ayaad dhibaatadaada e-mail ahaan ugu sheegi kartaa, adigoon magacaaga cidna u sheegeyn. Waxaa ku caawinaya qof qaangaar ah oo iskaa wax u qabso ku shaqeeya oo aammin ah.  Xasuuso, in dhibidda uu la kulmi karo qof walba, xitaa ahaado qof weyn. Ceeb ma aha inaad caawimo dalbato.

Dhibaatooyinka dhallinyarada

Guriga badbaadada dhallinyarada (nuorten turvatalo) waxaa loogu talagalay qof walba oo dhallinyaro ah oo caawimo u baahan. Guriga badbaadada dhallinyarada wakhti kasta ayaad soo wici kartaa. Waxaadna imaan kartaa saacadda 17 ka dib, waxaadna joogi kartaa ilaa tobanka subaxnimo. Guriga badbaadada dhallinyarada si nabadgelyo leh ayaad habeenkii ugu hoyan kartaa. Waad soo wici kartaa ama imaan kartaa. Guriga dhallinyarada si joogto ah looma deggenaan karo.

Cilladaha cuntada ee dhallinyarada

Syömishäiriöliitto Syli ry
Warar ku saabsan meeshalaga helayo caawimo hadday jiraan cilladda cuntada ee aanu qofku wax cunin iyo cilladda ah inuu qofku cunto saa’id ah cuno; kooxda waxqabadka ee dhinacyada kala duwan ee Finland

Dadka cunta cunidoodu dhibaatada tahay ee magac la’aanta ah (Nimettömät ongelmasyöjät)

Faraxumaynta carruurta ee sekshiwalka ah

Haddii aad ka shakito in ilmaha faraxumayn lagu sameeyo, la xiriir kalkaalisada caafimaadka ee iskuulka, qofka iskuulka u qaabilsan arrimaha bulshada, cilminafsiyaqaanka iskuulka, shaqaalaha arrimaha bulshada ee degmadaada ama booliska (poliisi). Ururka badbaadada carruurta ee Mannerheim wuxuu leeyahay telefoon adeegga ah oo loogutalagalay carruurta iyo dhallinyarada iyo waalidka. Dadka waaweyn laftoodu caawimo way ka helaa badbaadada carruurta (lastensuojelu), talasiinta qoysaska barbaarinta ah, bolikiliniga saykateriga (psykiatrian poliklinikka), booliska, Heeganka dadka dhibanayaasha ah ee dembiga lagu sameeyey  (rikosuhripäivystys) iyo Xarunta dhibaatooyinka ee kuwa la kufsaday (Raiskauskriisikeskus).

Kuwa dhibatada haysataa ay tahay inay sekshiwal ahaan xiiseeyaan carruurta, waxay caawimo ka raadsan karaa bolikiliniga saykateriga (psykiatrian poliklinikka) iyo Helsinki dhexdeeda tusaale ahaan meesha ah xarunta talasiinta ee Sexpo.