Mielenterveysongelmat
"Bini-aadanku dhagaxana wuu ka adag yahay, ubaxana wuu ka jilicsan yahay."
(Maahmaah Turkki ah)
Caafimaadka maskaxda waxyaabo badan ayaa wax u dhima. Markay xaaladda noloshu adag tahay, dareenka xumi wuxuu u muuqdaa si astaamo nafsiyan ah iyo si astaamo jir ahaaneed ah. Xiriirkii saaxiibada lala lahaa lama daryeelo, qofku ma awoodayo inuu naftiisa daryeelo, waxyaabihii hiwayadiisa ahaa wuu dayacayaa, wax xiisagelinayaana ma jiraan.
Xaggee caawimo laga helaa?
Caawimo ah dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaad ka heleysaa shaqaalaha maamulka ee waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee degmadaada. Faahfaahin dheeraad ah weydiirugta caafimaadka ee xaafadaada ama xafiiska arrimaha bulshada. Boggaga Terve.com ayaad ka heleysaa warar ku saabsan rugta caafimaadka ee degmadaada.
Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskus / Ulkomaalaisten kriisipalvelu) waxay caawisaa dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggan iyo qoysaskooda.
Tel: (09) 413 50501
Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus) waxay caawisaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangelyada dalbaday ee waddankooda markay joogeen jirdilka lagu sameeyey.
Tel. (09) 7750 4584
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga internetka:
www.terkkari.fi
Lambarro telefoon oo mid walba la waco markay jirto dhibaato ah nooca loogutalagay.
www.apua.info
Warar ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo tilmaansiinta markay jiraan xaaladdo adag oo nolosha ah.
www.nyyti.fi
Xarunta taageerta ardayda.
Vanhempainnetti (MLL)
Waalidka ayaa taageero ka hela.
www.tukinet.net
Xarunta dhibaatooyinka oo netka ku jirta.
Niyadjab
Markay qofka muddo dheer dhibaato haysato uu ciriiri xagga nafsadda ah dareemayo, noloshiisuna u muuqato mid aan fiicnayn, waxaa haya niyadjab. Qofka markuu niyadjabku hayo wuxuu ku raaxaysanayaa habayaraatee ma jiraan. Markaad niyadjab dareentid waxaa wanaagsan inaad caawimo raadsatid.
Warar ku saabsan niyadjabka oo luuqado kala duduwan ku qoran:
Soomaali
Finnish
Albaaniyaan
Carabi
Bosniya
Dari
Ingiriis
Kurdi
Farsi
Faransiis
Serbi
Turki
Ruush
Fiitnaam
Masiibo
Warar ku qoran luuqadahan soo socda oo ku saabsan cilladda istereeska ee ka soo jeedda masiibo qofku la kulmay:
Soomaali
Finnish
Albaaniyaan
Carabi
Bosniya
Dari
Ingiriis
Kurdi
Farsi
Faransiis
Serbi
Turki
Ruush
Fiitnaam