Dhaqanka iyo wakhtiyada firaaqada ah
Tiyaatarka Magaalada Kajaani wuxuu soo bandhigaa riwaayado noocyo badan isugu jira oo lagu dhigo laba hool oo Kajaani gudeheeda ku yaalla. Kooxda riwaayadahan soo bandhigtaa waxay kaloo aadaa oo riwaayado ka dhigtaa meelo ku yaalla Gobolka Oulu.
Tiyaatarka Magaalada Kajaani (Kajaanin Kaupunginteatteri)
Kauppakatu 14, 87100 Kajaani
tel. (08) 6155 2244
www.kajaaninteatteri.fi
Kainuu hawlaha tiyaatarka waxaa ka qaybqaadan kara dad tiyaatarku hiwaayad u yahay. Tiyaatarka Hiwaayadda ee Kajaani sannadka oo dhan ayuu riwaayado soo bandhigaa, waxay kaloo Kajaani caado dheer u leedahay tiyaatarka xilliga xagaaga (kesäteatteri). Tiyaatarka boombalayaasha gacanta lagu sameeyo ee Katputli (Nukketeatteri Katputli) meel riwaayadaha lagu dhigo ayuu Kajaani ku leeyahay.
Tiyaatarka Hiwaayadda ee Kajaani (Kajaanin harrastajateatteri)
email: kht@kajaaninharrastajateatteri.fi
Tel. 08 626 061
www.kajaaninharrastajateatteri.fi/
Tiyaatarka Boombalaha Gacanta lagu hago ee Katputli (Nukketeatteri Katputli)
Elviira Davidow
Ilmarintie 2, 87250 Kajaani
Tel. 040 - 524 6484
email: elviira@nukketeatteri.fi
Iskaashatada dhaqanka ayaa maamusha meesha riwaaydaha lagu soo bandhigo ee Generaattori , iskaashatadu waxay kaloo tahay meel guud oo ay qolyaha xirfadaha dhaqanku wax isku dhaafsadaan.
Iskaashatada Dhaqanka G-Woima/Generaattori (Kulttuuriosuuskunta G-Woima/Generaattori)
Kauppakatu 36 87100 Kajaani
tel. (08) 6155 225
www.kajaani.fi/generaattori
Meesha Generaattori waxaa kaloo ka jira Ururka Horumarinta Dhansiga ee Kajaani ee Routa (Kajaanin tanssinedistämisyhdistys Routa), barnaamijka ururka waxaa ka mid ah dhansi ay dad aqoonyahanno ah soo saaraan.
Kooxda Routa (Routa-ryhmä)
Kauppakatu 36
FIN- 87100 Kajaani
tel. +358 (0)45 6518 555
email: routa@routacompany.fi
www.routacompany.fi
Ururka ay leeyihiin dadka hiwaayadoodu tahay dhansiga waa:
Kajaanin Tanssi
Koskikatu 4 B
87100 Kajaani
email: dance@kajaanidance.fi
www.kajaanidance.fi
Kajaani waxaa ku taalla shineemada filimida ee BioRex,oo ka kooban saddex hool oo filimada lagu fiirsado. Shineemada waxaa lagu fiirsadaa filimada cusub ee ah kuwa ay markaas ugu horayso in Finland lagu soo bandhigo. Naadiga filimada ee Kajaani waxyaabaha uu soo dhigo waxaad ka heleysaa aqoon muhiim ah oo ku saabsan taariikhda filimada.
BioREX Kajaani
Kauppakatu 38
87100 Kajaani
Gaditaanka tikidhada: (08) 636 900
www.biorex.fi
Kainuu waxaa lagu qabtaa munaasabado badan oo degmooyinku leeyihiin oo ah dhaqanka, dhacdooyin hidaha ah iyo muusigyo la soo bandhigo. Kajaani mooyee Kainuu meeleheeda kalena waxaa ka jira tiyaatarro badan oo xagaaga ah oo ay sameeyaan dadka tiyaatarku hiwaayadda u yahay. Tiyaataradaas waxaa daawada dad kala duduwan oo meel walba oo Finland ah ka kala yimi.
Faahfaahin ku saabssan waxyaabaha Kainuu ka dhacaya: Kajaani Info
Waxaad kaloo fiirisaa www.kajaani.fi>>kulttuuri
Jimicsiyada, isboortiga iyo wakhtiga firaaqada ah / ururada shacabka:
Way sahlan tahay inaad Kainuu ku samayso isboortiga oo noocyo kala duduwan leh iyo bannaan u bixidda.
Wakhtiga firaaqada ah iyo isboortiga meelo kugu xiraya (linkkejä) oo ku saabsan magaalada Kajaani
Ururka Isboortiga ee Kainuu (Kainuun Liikunta ry)
www.kainuunliikunta.fi
Adeegyada maktabaduhu dadkoo dhan lacag la’aan bay u yihiin.
Maktabada Magaalada Kajaani – Maktabada Deegaanka Kainuu
Kauppakatu 35
87100 KAJAANI
www.kajaani.fi/kirjasto
Riwaayada iyo dacdooyinka dhaqanka:
Xarunta Dhaqanka iyo Shirarka Waaweyn ee Kaukametsä (Kaukametsän kongressi- ja kulttuurikeskus)
Cinwaanka ay ku taallo: Koskikatu 2-4
Cinwaanka boostada: PL 251, 87101 KAJAANI
www.kajaani.fi/kaukametsä
Kajaani info
Kauppakatu 21, 87100 Kajaani
Tel. +358 8 6155 2555
Faksi +358 8 615 52664
email: kajaani.info@kajaani.fi
Todobaadka Gabayada ee Kajaani (Kajaanin Runoviikko)
Eray iyo muusig (Sana ja Sävel)
Koskikatu 4 B
87200 Kajaani/p. 08 6155 2322
www.runoviikko.fi
Madxafyada (Museum):
Madxafka Kainuu (Kainuun museo)
Asemakatu 4
87100 Kajaani
Xafiiska (08) 6155 2407
Gaditaanka tikidhada (08) 6155 2409
Faksi (08) 6155 2672
www.kajaani.fi/kainuunmuseo
Muusiyamka Aariska ee Kajaani (Kajaanin taidemuseo)
Linnankatu 14
87100 Kajaani
tel. (08) 6155 2599
faksi (08) 6155 2581
www.kajaani.fi/taidemuseo
Macadada shacabka / kooxaha hiwaayadaha (Kansalaisopistot/harrastuspiirit):
Macadka Shacabka ee Kaukametsä (Kaukametsän kansalaisopisto)
Koskikatu 4 B
87100 KAJAANI
tel. (08) 6155 2381
Email: kaukametsa.opisto@kajaani.fi
www.kajaani.fi/kaukametsa
Macadka Shacabka ee Kainula (Kainulan kansalaisopisto)
Sissikuja 3,
87100 KAJAANI
tel./faksi (08) 622 368
Email: kainulan.kansalaisopisto@kajaani.net
www.kainula.fi
Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).