Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Dhaqaalaha ururka

Yhdistyksen talous

Dhaqaalaha ururku waa inuu ahaadaa mid hagaagsan. Lacagtu waa hantida ururka, waxaana masuul ka ah guddiga. Dhammaan kharashka ururka soo gala iyo kan ka baxa waa in lagu qoraa buugga xisaabinta. 

Marka ururka koonto bangiga looga furayo waxaa loo baahan yahay caddaymahan soo socda:

  • Qoraalka buugga aasaaska
  • Shahaadada diwaangelinta

Waxaa kaloo loo baahan yahay go’aanka guddiga (pöytäkirja) ee ah cidda koontada ururka isticimaali karta. Shirka guddiga ururka ayaa go’aan lagaga gaaraa cidda isticimaali karta koontada ururka. Koontada waxaa isticimaali kara tusaale ahaan qofka ururka u qaabilsan arrimaha lacagta iyo gudoomiyaha.

Xilliga xisaab xirka ururku waa sannad. Guddiga ayaa soo jeedinaya qiyaas ah dhaqaalaha ururka, shirka ururka ayaana lagu aqbalayaa. Inta lagu jiro xilliga xisaab xirka guddiga iyo qofka arrimaha lacagta qaabilsan ayaa u xilsaarahan arrimaha dhaqaalaha ee ururka. Dhammaan kharashka ururka soo gala iyo kan ka baxa waa in lagu qoraa buugga xisaabinta. Risiidhada oo dhan waa in la xafidaa.

Shirka sannadka ayaa lagu caddeeyaa kharashka ay xubnaha ururku bixinayaan.

Ururka la diwaangeliyey wuxuu codsan karaa kaalmooyin kala duwan.

Markuu xilliga xisaab xirku dhammaado, waxaa la sameeyaa go’aanka xisaab xirka ee ururka, kaas oo lagu caddaynayo dakhliga iyo kharashka ururka. Xisaabxirayaasha ururka ayaa baaraya oo hubsanaya xisaabta, iyaga ayaana warbixin ka qorayaa baaritaankooda.

Yhdistystoimintaopas -> ”Talous”.