Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Dhalashada

Kansalaisuus

Codsashada dhalashada Finland

Suuragala ayey kuu tahay inaad hesho dhalashada Finland, haddii ay kuu buuxsantay 18 sano, haddii aad muddo dheer oo ah wakhtigii lgaaga baahnaa ah si joogto ah u deggenayd Finland aadna weli Finland deggan tahay. Waa inaad awooddaa inaad caddayso qofkaad tahay. Waa inaad awoodaa inaad sheegto qorshe ku saabsan sida adiga iyo qoyskaagu aad ku heli doontaan dhaqaale aad ku noolaataan. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad taqaan luuqadda Finnishka, Iswiidhishka ama luuqadda faraha laga hadlo ee Finnishka. Aqoontaada luuqadda waxaad ku caddayn kartaa, adigoo geleya imtixaanka lagu qaato shahaadada aqoonta guud ee luuqadda. Imtixaanka shahaadada aad ku qaadataa waa in dhibceheedu uu noqdo heerka saddex. Warar ku saabsan shahaadada aqoonta guud ee luuqadda waxaad ka heleysaa boggaga Guddiga waxbarashada (opetushallitus).

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan caddaynta aqoonta luuqadda oo ku qoran af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Boroseeska codsigu muddo dheer ayuu qaadan karaa. Helitaanka dhalashada wakhtigeedu wuu kugu sii dheeraan karaa, haddii aad samaysay dembi, ama aadan bixin canshuuro ama ganaaxyo. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa warar ku saabsan shuruudahan iyo, sida loogu dhaqmo.

Dhalashada waxaa lagu dalbadaa foom uu Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanku leeyahay. Foomkaas waxaad ka heleysaa booliska degmadaada. Codsiga waa inaad booliska degmadaada adigu shakhsi ahaan ugu geysaa. Hore u sii qaado dukumeenti aqoonsi ah. Go’aanka dhalashadu waa lacag. Lacagtana waa inaad bixisaa, markaad codsiga geynayso. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan codsashada dhalashada iyo waxyaabaha kale ee dhalashada la xiriira waxaad ka heleysaa bogga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka iyagoo ah luuqadaha soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Foomamka aad dhalashada ku codsan karto:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Sharciga ku saabsan qaadashada dhalashada Finnishka waxaad ka akhrisan kartaa boggan (Finlex).

Boggaga Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa ku qoran warar af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ah oo ku saabsan waxyaabaha ay qaadasahda dhalashada Finland saamaynta ku yeelato.