Hammashoito
"Hadday ilkahaagu xaddiid ahaan lahaayeen, waxaad cuni kari lahayd lows bir ah."
(Maahmaah Senigaal ah)
Daryeelka caafimaadka ilkaha waxaa laga helaa rugaha caafimaadka iyo meelaha barayfitka ahba. Rugta caafimaadka ee degmadaada weydii, goorta aad wakhti ka heli kartid qaybta daryeelka caafimaadka ilkaha ee degmadu leedahay.
Waxaa kaloo suuragal ah in Keladu kuu soo celiso kharashka kaaga baxa daryeelka caafimaadka ilkaha ee barayfitka ah, haddii aad si joogto ah Finland u deggan tahay. Hase ahaatee kharashka oo dhan laguuma soo celinayo. Faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Kela.
Tilmaame ku saabsan sida ilkaha Finland loogu daryeelo oo ku qoran luuqadahan soo socda:
Soomaali
Finnish
Albaaniyaan
Carabi
Ingiriis
Farsi
Faransiis
Serbokroati