Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Daryeelka caafimaadka shaqaalaha

Työterveys

"Adoo soconaya xiddigaha ma daawan kartid, haddii kabaha dhagax kuugu jiro."
(Maahmaah Shiinays ah)

Shaqabixiyaha waxaa waajib ku ah, inuu shaqaalihiisa oo dhan u qabanqaabiyo meel ay ka helaan daryeel xagga caafimaadka. Ujeeddaduna waa in laga hortago waxyaabaha caafimaadka khatar gelin kara ama wax u dhimi kare ee shaqadu keeni karto. Shaqabixiyahaaga weydii wixii faahfaahin dheeraad ah.

Qofka ganacsadaha ah ama qofka iskiis u shaqaystaa wuu samaysan karaa daryeel caafimaad oo xagga shaqadiisa ah haddii uu isagu rabo.

Boggaga Kelada ayaad ka heleysaa warar ku saabsan sharciga daryeelka caafimaadka shaqaalaha iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha ee khuseeya shaqabixiyaha iyo ganacsadaha.

Keladu qayb ka mid ah kharashka kaga baxa daryeelka caafimaadka shaqaalaha ayey u soo celisaa shaqabixiyaha iyo ganacsadaha, haddii ay lagama maarmaan yihiin kharashkuna uu caqligal yahay.