Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub

EU-maiden kansalaiset

Joogidda iyo ka shaqaysashada Finland

Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa iyagoon wax sharci ah oo gaar ah u baahnay bay waxay Finland joogi karaa oo ka shaqaysan karaan saddex bilood. Muddadaas umay baahna fiise ama sharciga joogidda waddanka. Muddadaas ka dib waa inay saldhigga booliska ka diwaangeliyaan xuquuqdooda joogidda waddanka. Uma aanay baahna sharciga shaqada ee shaqaalaha laga rabo. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Boggaga booliska waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo diwaangeliyo xuquuqda joogidda waddanka, oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Shaqada iskaa u shaqaysashada ah

Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa iyagoo wax sharci ah oo gaar ah u baahnay bay iskood uga shaqaysan karaan Finland. Marka horese waa inay saldhigga booliska ka diwaangeliyaan xuquuqdooda joogidda waddanka. Xuquuqdani waxay saamaysaa ganacsadayaasha iyo dadka iskood si madaxbannaani leh ugu shaqaysta xirfadooda. Dadka iskood u shaqaystaa uma baahna wax sharci oo gaar ah. Is diwaangelinta darteed waa inaad saldhigga booliska u soo qaadataa ogeysiinta iskaa u shaqaysiga (elinkeinoilmoitus) ama wax kale oo la aamini karo oo caddaynaya iskaa u shaqaysiga. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Waxbarashada

Dadka leh dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub iyo dadka iyaga la barbar dhigi karaa iyagoon wax sharci ah oo gaar ah u baahnay bay in saddex bilood ka yar Finland wax ka baran karaan. Ka dib ardaygu waa inuu xuquuqdiisa joogidda waddanka ka diwaangeliyaa saldhigga booliska. Ujeeddada guud ee waxbarashadu waa inay ahaataa inuu ardaygu goobaha waxbarashada ee Finland wax ka dhiganayo, waa inuu haystaa dhaqaale ku filan oo uu waddanka ku joogi karo iyo caymiska bukaanka ee laysaga baahan yahay. Ardaygaasi xaq uma laha lacagta kaalmada waxbarashada ee Finnishka. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaa waxaa ku jira warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis

Dadka leh dhalashada waddamada Waqooyiga Yurub uma baahna fiise ama sharciga joogidda waddanka, haddii ay Finland wax ka baranayaan.

Xuquuqda joogidda waddanka ee qofka qoyska ka tirsan

Qofka qoyskiisa qof ka mid ahi leeyahay dhalashada waddamada Ururka Midowga Yurub xuquuqda joogidda Finland wuu heli karaa, haddii qofka ay isku qoyska yihiin ee leh dhalashada  waddamada Ururka Midowga Yurub uu leeyahay xuquuq uu Finland ku joogo. Qofka qoyska ka tirsani waa inuu haystaa dhaqaale ku filan oo uu waddanka ku joogi karo iyo caymiska bukaanka ee laysaga baahan yahay. Bogga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa warar mawduucan ku saabsan oo ku qoran luuqadahan soo socda:  

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis