Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Daawooyinka

Lääkkeet

Daawooyinka waxaa laga soo iibsadaa farmashiyaha. Daawooyinka qaar waxay u baahan yihiin rijeeto u dhakhtar soo qoray. Kaarka Kelada soo qaado, sababtoo ah caymiska caafimaadka ayaa bixiya qayb ka mid ah qiimaha daawooyinka ay dhakhtaradu qoraan intooda badan.

Waa suuragal inaad daawadii dhakhtarku kuu soo qoray farmashiyaha kaga beddeletid daawo kale oo ka raqiisan, haddii qaybta wax daaweynaysa ee labada daawo ku jirtaa ay isku mid tahay. Qofka shaqaalaha ah ee farmashiyaha jooga ayaa kuu sheegaya, inay daawo raqiis ah oo aad ku beddelan kartaa taallo iyo in kale.

Apteekit.org