Structure_LogoPart1



Cunsuriyadda iyo takooridda

Rasismi ja syrjintä

"Dadka oo dhan dhoobo isku mid ah ayaa laga abuuuray."
(Maahmaah Jarmal ah)

Sida uu sharciga Finland dhigayo takooriddu waa dembi.

Wakiilka dadka tirada yar (vähemmistövaltuutettu) waa shaqaale dowladeed, shaqadiisuna waa inuu horumar ku sameeyo jagada, xuquuqda sinnaanta iyo xuquuqda badbaadada ee dadka asal ahaan kooxa yar yar ka soo jeeda iyo dadka ajnebiga ah, isla markaasna wuxuu horumar ku sameeyaa Finland gudeheeda xiriirada wanaagsan ee dadka asal ahaan meelo kale ka soo jeeda.

Wakiilka dadka tirada yar waxaad la soo xiriiri kartaa si uu kuu caawiyo, haddii tusaale ahaan adiga shakhsi ahaantaada asalkaad ka soo jeedo dartiis takoorid laguugu sameeyey ama haddaad sideedaba dareento in takoorid jirto. Arrimaha takooridda ku saabsan iyo arrimo kale dartoodba waxaa telefoon loo soo diri karaa xafiiska wakiilka dadka tirada yar qaybtiisa u adeegidda macaamiisha tel. 071 878 8666 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10-12).

Sidoo kale takooridda shaqadu (työsyrjintä) waa dembi. Waxaadna u sheegi kartaa shaqaalaha maamulka ee hay'adda badbaadada shaqaalaha.

Boggaga Sinnaanta.fi (Yhdenvertaisuus.fi) waxaad ka heleysaa qoraal ka hadlaya takooridda oo ku qoran luuqadahan:

Soomaali
Finnish
Iswiidish
Ingiriis
Ruush
Carabi

Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Qofka asalkiisa dartiis looma takoori karo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka.

Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:

Finnish (pdf)
Iswiidhish (pdf)
Ingiriis (pdf)
Saame (pdf)
Ruush (pdf)
Carabi (pdf)
Soomaali (pdf)
Isbeynn (pdf)
Faransiis (pdf)

Caawimo xaaladda takooridda ah

Fiiri sidoo kale Rasmus-verkosto

Dembiga cunsuriyaddu wuxuu noqon karaa tusaale ahaan, takoorid, hanjabaad, dhibid ama dagaal ku samayn. Haddii dembiga cunsuriyadda lagugu sameeyo, booliska dacwo gee. Tag saldhigga booliska ee kuugu dhow ama Internetka ku samee dacwo. Haddii xaaladda jirtaa tahay mid khatar gelineysa caafimaadkaaga ama naftaada ama aad si degdeg ah ugu baahan tahay inuu boolisku ku caawiyo, waxaad wici kartaa lambarka guud ee gargaarka degdegga ah. Lambarka guud ee gargaarka degdegga ahi waa 112.  Boolisku warar ayey ku weydiinayaan, muddo ka dibna waxay kuugu yeerayaan waraysi. Haddii aad u baahan tahay turjubaan ama qareen sharciyaqaan ah, xaq ayaad u leedahay inaad hesho. haddii aad booliska hore ugu sii sheegtid inaad turjubaan u baahan tahay, iyaga ayaa kuu sii diyaarinaya turjubaan lacag la’aan kuu ah.

Caawimada sharciga waxaa bixiya qareemada iyo sharciyaqaanada kale xafiisyada caawimada sharciga ee dowladda (valtion oikeusaputoimisto) waxaa ka shaqeeya caawiyayaal sharciyaqaanno ah oo dowladda u shaqeeya.

Faahfaahin dheeraad ah oo mawduucan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga Midowga xuquuqda dadka Rasmus-verkosto-diisa (Ihmisoikeusliiton Rasmus-verkosto) iyagoo ku qoran luuqadahan soo socda:

Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Isbeynn
Faransiis
Turki
Kroati

Midowga xuquuqda dadku (Ihmisoikeusliitto) si ay u horumariso kaalmada adeegyada la talinta ah, waxay la socotaa oo baartaa dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka la cunsuriyedeeyey ama la takooray. Ma rabtaa inaad Midowga xuquuqda dadka u sheegto dembi cunsuriyad ah?