Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Carruurta iyo dhallinyarada

Lapset ja nuoret

"Macdanta cirku waa qoraxda; macdanta guriguna waa ilmaha."
(Maahmaah Shiinays ah)

Kaalmooyinka iyo caawimooyinka

Qoyska carruurta leh waxaa suuragal u ah inay helaan kaalmooyin kala duduwan. Kaalmada hooyanimada (äitiysavustus) iyo lacagta hooyanimada (äitiysraha) warar ku saabsan waxay ku yaallaan bogga Markaad uur leedahay.

Markay muddada lacagta hooyanimadu dhammaato, ilmaha hooyadiis ama aabihiis wuxuu heli karaa lacagta waalidnimada (vanhempainraha). Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Kelada.

Haddii ilmuhu markuu dhasho aabbuhu u haynta ilmaha ka qaybqaato oo aanu muddadaas shaqada mushaharka lagu qaato qabanaynin, aabbuhu wuxuu Kelada ka codsan karaa lacagta aabbbanimada (isyysraha). Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga Kelada.

Ilmaha Finland deggan waxaa lagu bixiyaa lacagta carruurta (lapsilisä), ilaa ay uga buuxsanto17 sano. Lacagta carruurta waxaa sida caadiga ah la dalbadaa, marka la dalbanayo lacagta hooyanimada. Faahfaahin dheeraad ah waxay ku taallaa boggaga Kelada.

Xannaano maalmeedka

Ilmaha aan weli gaarin da’da iskuulku wuxuu degmada xaq ugu leeyahay inay u qabanqaabiso xannaano maalmeed. Xannaano maalmeedku waxay ka jiraan xannaanooyinka, qof gurigiisa ilmo ay dad kale dhaleen ku haya iyo waxqabadyada ciyaaridda ah.

Waxaa kaloo jira xannaanooyin barayfit ah. Xannaanooyinka barayfitka ah qaarkood luuqadda lagaga hadlaa waa luuqad kale oo aan Finnish ahayn. Haddii ilmo aan weli da’da iskuulka gaarin uu ku jiro xannaano barayfit ah, Kelada ayaa laga dalban karaa kaalmada xannaanada barayfitka ah.

Ilmuhu markuu jiran yahay xannaano maalmeedka lama geeyo. Waxaad kaloo fiirisaa Bangiga wararka boggiisa Markuu ilmuhu jirrado.

Xannaano maalmeedka waxaa laysku dayaa, in ilmaha luuqaddiisa hooyo iyo dhaqankiisa la taageero.

Haddii uu ilmuhu 3 sano ka yar yahay, aabaha ama hooyadu wuxuu qaadan karaa fasaxa haynta ilmaha oo ilmaha ayuu guriga ku hayn karaa. Markaas Kelada ayaa waxaa laga codsan karaa lacagta haynta ilmaha. Boggaga Kelada ayaa waxa ku yaalla warar kaalmooyinkaas ku saabsan iyo noocyada kala duduwan ee xannaano maalmeedka.

Barbaarinta

Dhaqamada kala duduwan barbaarinta carruurtu way kala duwanaan kartaa. Finland in carruurta la dilo, tusaale ahaan in wax lagu dhufto ama timaha laga joodo waa mabnuuc oo sharciga ayaa diidaya.

Qofka 18 sano jiraa sharci ahaan waa qaangaar. Kuwa intaas ka yar xitaa waxyaabaha qaar xaq ayey u leeyihiin inay iyagu go’.

Hawsha badbaadada carruurta ujeeddadeedu waa in ilmaha loo sugo deegaan badbaado leh oo ay ku barbaaraan iyo in barbaariyayaasha lagu taageero hawshooda barbaarinta ah. Taageeridana waxaa laysku dayaa inay tahay mid ilmaha iyo dhallinyarada u suuragelinaysa inay gurigooda ku barbaaraan o ku koraan. Mararka qaarse ma suurowdo. Markaas waxay noqonaysaa in ilmaha loo helomeel fiican oo aan guriga waalidka ahayn oo uu ku barbaaro. Isla markaasna ilmaha waalidkiisa waxaa laga caawiyaa sidii ay noloshooda uga adkaan lahaayeen, si uu ilmuhu sida ugu dhakhsaha badan gurigiisa ugu soo noqdo.

Qolyaha badbaadada carruurta waxaa la soo xiriiri kara waalidka , deriska ama saaxiibada, haddii ay dareemaan inuu ilmuhu ama qofka dhallinyarada ahi u baahan yahay caawimo. Ilmaha ama qofka dhallinyarada ahi xitaa wuu la soo xiriiri karaa shaqaalaha arrimaha bulshada. Waxyaabaha ay qofka iyo shaqaalaha arrimaha bulshadu ku wada hadlaan cid aan shaqo ku lahayn looma sheegayo.

Waxqabadka dhallinyarada

Degmooyinku adeegyo khaas ah ayey dhallinyarada siiyaan. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa Nguriga Adeegga ee Wararka Dhallinyarada (Nuorisotiedon talo). Wararka waxaad ka raadsan kartaa adoo isticimaalaya magaca degmadaada boggaga Valtikka. Boggaga Allianssiwaxaad ka heleysaa warar dhallinyarada ah oo ku saabsan ururada dhallinyarada iyo warar kale oo muhiim ah oo dhallinyarada loogu talagalay. Boggagu waxay kaloo leeyihiin cinwaanno kugu xiraya meelaha wakhtiga firaaqada ah.