Apua työnhakuun
Haddii aad shaqa la'aan noqoto, xasuuso inaad maalintaada ugu horaysa ee shaqa la'aanta iska xaadirisid xafiiska shaqada (työvoimatoimisto). Hore u sii qaado dhammaan shahaadooyinkaaga shaqada iyo kuwa waxbarashadaba. Haddii shahaadooyinka qaar kaa maqan yihiin, gadaal ayaad ka keeni kartaa. Xasuuso inaad mar walba hore u soo qaadato baasaboorkaaga ama dukumeenti kale oo aqoonsi ah, oo uu sharcigaaga joogidda waddanku ka muuqdo.
Adeegyada ugu muhiimsan ee xafiiska shaqadu waa shaqa raadinta, waxbarashada xafiiska shaqadu bixiyo, hagidda doorashada xirfad iyo adeegyada macluumaadka waxbarashada iyo xirfadaha. Shaqaalaha xafiiska shaqada ayaa kula yeelanaya waraysiga shaqa raadinta, oo aad ka wada hadlaysaa waxaad rajeynayso iyo waxaad taqaan. Waxaadna u sheegi kartaa noocyada waxbarashooyinka iyo shaqooyinka aad xiisaynayso. Waxaad sidoo kale ka wada hadli kartaa sida shaqada loo raadsado. Shaqaalaha xafiiska shaqada ayaad wada dejinaysaa qorshahaagashaqa raadinta.
Muddada aad shaqa la'aanta tahay waxaad xaq u yeelan kartaa noocyada kala duduwan ee daryeelka shaqa la'aanta: lacag maalmeed, lacag maalmeedka aasaasiga ah ama lacagta taageerada shaqa la'aanta. Xafiiska shaqada ayaad sidoo kale ka heleysaa wararka ku saabsan shaqooyinka bannaan. Haddii aad shaqo ka weydid suuqa shaqooyinka bannaan, fursado kale oo badan ayaad haysataa. Shaqada waxaad ku tijaabin kartaa shaqa barashada (työharjoittelu), tijaabinta shaqada (työkokeilu), taageerada shaqaaloobidda (työllistämistuki), ama heshiiska waxbarashada (oppisopimus).
faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada xafiiska shaqada waxaad ka heleysaa boggaga Maamulka shaqada.
Waa xaggee xafiiska shaqada ee ugu dhow?
Ka dooro bogga maamulka shaqada liiskiisa magaca degmada aad deggan tahay.