Apua ammatinvalintaan
Haddii aadan aqoon waxaad rabto inaad barato, caawimo waxaad ka heleysaa xafiiska shaqada iyo xoogsashada. Ballan ka qabso shaqaalaha xafiiska shaqada u qaabilsan doorashada xirfadda.
Warar ku saabsan hagidda xirfad doorashada iyo adeegyada qorshaha shaqada ee
xafiiska shaqada iyo xoogsashada
Warar ku saabsan qorshaha shaqada
Warar ku saabsan xirfadaha kala duduwan iyo waxbarashadooda
Barnaamijka xirfad doorashada
Bogga Dad waddanka u soo guurey sheekooyinkooda shaqo ee Opintoluotsi (Immigrant Career Stories) waxaad ka heleysaa dad Finland u soo guurey sheekooyin ay kaga waramayaan shaqooyinkooda iyo sawir ka biximo gaagaaban oo ku saabsan xirfadaha shaqooyinka kala duduwan. Sidoo kaleyös bogga Jidka shaqaale ahaanta (Urapolku) ee Virtuopo waxaad ka heleysaa warar ay dadka waddanka u soo guurey ka waramayaan waayoaragnimadooda ku saabsan xirfad doorashada iyo shaqo raadsoshada.