Lapsen terveys
"Biyuhu waa dhakhtarka wasakhda."
(Maahmaah Finnish ah)
Daryeelka caafimaadka ilmaha waxaa kaa caawinaya kalkaalisada caafimaadka iyo dhakhtarka rugta caafimaadka carruurta iyo hooyada (neuvola). Iyaga ayaadna wixii talo ah weydiin kartaa. Rugta caafimaadka carruurta iyo hooyada hooyadu markay uurka leedahay ayey tagtaa. Ilmahana wakhtiyo go’an oo joogto ah ayaa rugta caafimaadka carruurta iyo hooyada la geeyaa. Rugta caafimaadka carruurta iyo hooyadu waxay la socotaa koriinka iyo barbaaridda ilmaha, ilmahana waxay siisaa tallaalada uu u baahan yahay.
Gudniinka gabdhuhu Finland dembi ayuu ka yahay. Gudniinka wiilasha warar ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga Sekshiwalka.
Daryeelka caafimaadka ee iskuulka dhexdiisa
Iskuulka ayaa ardayda looga qabanqaabiyey daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkahaba. Ardaydu iskood ayey kalkaalisada caafimaadka ugu tegi karaa, haddii ay dhibaato hayso.