Caafimaadka
Helsinki adeegyada caafimaadka waxaa bixiya waaxda caafimaadka.
Waaxda caafimaadka ee Helsinki telefoon ayey dadka ku siisaa talooyin ah adeegyada caafimaadka.
Markaad jirrato
Markaad jirrato, la xiriir rugtaada caafimaadka. Helsinki boggaga waaxda caafimaadka (terveyskeskus) ayaad ka heleysaa warar ku saabsan rugta caafimaadka ee xaafaddaada.
Habeenkii iyo Sabtida iyo Axadaha rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas xannuunada degdegga ah iyo shilalka waxaa lagu daaweeyaa goobta heeganka (päivystys). Haddii aad deggan tahay Helsinki, boggaga waaxda caafimaadka (terveyskeskus) ayaad ka heleysaa wararka ku saabsan wakhtiyada ay furan tahay rugta caafimaadka ee xaafaddaadu. Boggaga waxaa kaloo ku qoran warar ku saabsan xannuunada degdegga ah ee carruurta iyo dadka waawey, iyo shilalkaba. Waxaad kaloo fiirisaa bogga Xaaladaha khatarta ah.
Caafimaadka ilmaha
Daryeelka caafimaadka ilmaha waxaa kaa caawinaya kalkaalisada caafimaadka iyo dhakhtarka rugta caafimaadka carruurta iyo hooyada (neuvola).
Boggaga waaxda caafimaadka
(terveyskeskus) ayaad ka heleysaa warar ku saabsan wakhtiga ay tahay, in ilmaha la geeyorugta caafimaadka carruurta iyo hooyada. Waxaad kaloo faahfaahin dheeraad ah weydiin kartaa rugtaada caafimaadka.
Rugaha caafimaadka ee Helsinki
Iskuulka ayaa ardayda looga qabanqaabiyey daryeelka caafimaadka iyo daryeelka ilkahaba. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan daryeelka caafimaadka ee iskuulka ee Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada (opetusvirasto).
Markuu ilmuhu jirrado
Markuu ilmuhu jirrado, waa inaad la xiriirtaa rugta caafimaadka ee degmadaada.
Rugaha caafimaadka ee Helsinki
Habeenkii iyo Sabtida iyo Axadaha rugaha caafimaadku way xiran yihiin. Wakhtiyadaas xannuunada degdegga ah iyo shilalka waxaa lagu daaweeyaa goobta heeganka (päivystys).Boggaga waaxda caafimaadka ayaad ka heleysaa meelaha ay ku yaallaan heeganka cuddurada carruurtu (lastentautien päivystys). Waaxda caafimaadka ee Helsinki telefoon ayey dadka ku siisaa talooyin ah adeegyada caafimaadka (terveyspalvelujen neuvonta).
Caafimaadka maskaxda
Caawimo ah dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda waxaad ka heleysaa shaqaalaha maamulka ee waaxda arrimaha bulshada iyo caafimaadka ee degmadaada. Haddii aad Helsinki deggan tahay, la xiriir boolikiliniga saykateriga (psykiatrian poliklinikka) ee xaafadda aad deggan tahay. Haddii aad caawimo degdeg ah u baahan tahay waa inaad la xiriirtaa saykateriga heeganka (psykiatrian päivystys).
Adeegyada gaar ahaan loogu talagalay dadka waddanka u soo guurey ee Helsinki waxaad ka heleysaa tusaale ahaan meelahan soo socda:
Xarunta SOS ee waaxda ajnebiga (SOS-keskus / Ulkomaalaisten kriisipalvelu) waxay caawisaa dadka waddanka u soo guurey ee Finland deggan iyo qoysaskooda.
Tel: (09) 413 50501
Telefoonka markay dhibaato degdeg ahi jirto (09) 41350 501
Xarunta baxnaaninta dadka jirdilka lagu sameeyey (Kidutettujen kuntoutuskeskus) waxay caawisaa dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangelyada dalbaday ee waddankooda markay joogeen jirdilka lagu sameeyey.
Tel. (09) 7750 4584
Raggu waxay caawimo ka heli karaa Xarunta ragga (Miesten keskus).
Tel. (09) 6129 3750
Daryeelka ilkaha
Boggaga Waaxda caafimaadka ee magaalada Helsinki (Helsingin kaupungin terveyskeskus) waxaad ka heleysaa warar ku saabsan, noocyada loo arki karo inuu yahay mid u baahan in si degdeg ah wax looga qabto iyo goorta aad isla markiiba daryeel heli kartid. Tusaale ahaan haddii ilig ku xanuunayo, waa sabab aad isla markiiba daryeel ku heli kartid.
Cinwaanada iyo telefoonada rugaha daryeelka caafimaadka ilkaha waxaad ka heleysaa boggaga Waaxda caafimaadka ee magaalada Helsinki. Liiska ka dooro xaafadda aad deggan tahay. Markaad u baahan tahay daryeel degdeg ah waxaad la xiriiraysaa dhakhtarka ilkaha ee heeganka ah (hammaslääkäripäivystys).
Warar ku saabsan daryeelka caafimaadka ilkaha ee iskuulada Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada (opetusvirasto).
Sekshiwalka
Qorshaynta qoyska
Rugta caafimaadka qaybteeda la talinta ka hortagga uurka (ehkäisyneuvonta) ayaad ka heleysaa caawimada ku saabsan ka hortagga uurka iyo qorshaynta qoyska.
Adeegyada gaynokolojiga
Rugtaada caafimaadka weydii waxyaabaha ku saabsan baaritaanada gaynokolojiga.
Rugaha caafimaadka ee Helsinki
Cudurada galmada lagu kala qaado
Helsinki cudurada galmada lagu kala qaado waxaa lagu daaweeyaa bolikiliniga cudurada galmada lagu kala qaado (sukupuolitautien poliklinikka) umana baahnid in dhakhtar kuu diro.