Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kainuu

Caafimaadka

Deegaanka Kainuu wuxuu dadka deegaankiisa ka tirsan siiyaa adeegyo caafimaad. Adeegyada daryeelka caafimaadka ee magaalada Kajaani waxaa laysugu geeyey xarumaha rugaha caafimaadka. Daryeelka khaaska ah ee bukaankana waxaa laysugu geeyey isbitaalka dhexe. Dadka aan degmada ka tirsanayn, haddii ay u baahdaan daryeel caafimaad oo degdeg ah oo lagama maarmaan ah, markaas daryeelka ay u baahan yihiin waxay ka helayaan bolikiliniga heeganka ee Isbitaalka Dhexe ee Kainuu, cinwaankuna waa Sotkamontie 13, 87100 Kajaani tel. (08) 6156 2610.

Isbitaalka Dhexe ee Kainuu wuxuu leeyahay kalkaaliso daryeelka bukaanka ah oo afar iyo labaatanka saac heegan ku ah telefoon tel.(08) 6156 6000.

Adeegyada daryeelka caafimaadka ee dadka qaxootiga ah iyo dadka magangelyada codsaday waxaa laysugu geeyey qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey ee cinwaankeedu yahay Lönnrotinkatu 3, dabaqa 2aad, tel. (08) 6155 2752. Qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey waxay dadka qaxootiga ah daryeelkooda caafimaadka qaabilsan tahay muddada ay dadka qaxootiga ahi ku jiraan la qabsashada waddanka oo ah 3 sano.

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa halkan (tästä).

Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).