Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Caafimaadka

Terveys

Haddii aad si joogto ah Finland u deggan tahay, waxaad ku jirtaa caymiska caafimaadka. Arrintan macnaheedu waa, xafiiska Kela la yiraahda ayaa bixiya qayb ka mid ah kharashka kaaga baxa xannuunka. Waxaa sidoo kale jira daawooyin badan oo kharashkooda qayb ka mid ah ay Keladu bixiso. Wararka ku saabsan adeegga caafimaadka waxaad ka heleysaa boggaga Kela. Faahfaahin dheeraad ah weydii rugta caafimaadka ee kuugu dhow.

Caymiska caafimaadku wuxuu kaloo bixiyaa kharashka kaaga baxa meelaha daryeelka bukaanka ee barayfitka ah.

Sharciga sinnaanta (Yhdenvertaisuuslaki) ayaa mabnuucaya takooridda tusaale ahaan shaqo u qaadashada iyo waxbarashada. Qofka asalkiisa dartiis looma takoori karo tusaale ahaan arrimaha ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada iyo caafimaadka.

Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:

Soomaali (pdf)
Finnish (pdf)
Ingiriis (pdf)
Iswiidhish (pdf)
Saame (pdf)
Ruush (pdf)
Carabi (pdf)
Isbeynn (pdf)
Faransiis (pdf)

Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guureyku oo ku saabsan deggenaansha, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)