Yrityksen perustaminen
Heererka bilaabidda shirkad ganacsi oo la soo koobay:
- Fikrad ganacsi oo wanaagsan
- Qorshaha waxqabadka ganacsiga oo bilow ah
- Qabanqaabinta maalgelinta
- Doorashada nooca shirkadda ganacsigu noqonayso iyo siday u shaqaynayso
- Ogaanshaha in nooca ganacsigu u baahan yahay ogolaansho (shatti)
- Ogeysiinta aasaasiga ah ee loo gudbinayo xafiiska diwaangelinta ganacsiga iyo xafiiska canshuuraha
- Waxyaabaha sharci ahaan ganacsigu keenayo
- Qoritaanka dakhliga shirkadda soo gala iyo kharashka ka baxa
Markaad rabto, inaad shirkad ganacsi samaysato, waa inaad si taxader leh uga fekertaa, inaad hayso fikrad ganacsi oo fiican. Sidoo kale waa inaad ka fekertaa, in aqoontaada xirfad ahaaneed iyo waayo aragnimadaadu ku filan yihiin aasaasidda ganacsiga, waana inaad ka fekertaa sidii aad ku heli lahayd maalgelin. Xarumaha ganacsiyada cusub (Uusyrityskeskukset) waxaad ka heleysaa aqoonyahanno kaa caawinaya inay ku siiyaan talooyin ku saabsan sidii aad fikradaada ganacsiga uga dhigi lahayd midaad u fiican iyo talooyin ku saabsan dhammaan waxyaabaha kale ee ganacsi bilaabidda la xiriira.
Intaa ka dib waxaa la dejiyaa qorshaha waxqabadka ganacsiga, oo bilow ah, kaas oo ujeeddada laga leeyahay tahay, in la ogaado in ganacsiga lagu tala jiraa yahay mid faa’iido yeelan kara. Arrintani waa mid faa’iido u leh qofka raba inuu ganacsiga samaysto iyo aqoonyahanka ay shaqadiisu tahay inuu qofka ka caawiyo xagga qiimaynta ganacsiga. Markaad maalgelinta raadinayso, mar walba waa inuu diyaar kuu yahay qorshe waxqabadka ganacsiga ku saabsan oo fiican.
Markaad shirkad ganacsi bilaabayso waxaa kaloo lagaa rabaa inaad tixgeliso tusaale ahaan, doorashada nooca shirkadda, magaca shirkadda iyo nooca hawsha ee shirkadu qaabilsan tahay, hay’adaha maamulka ee ay tahay in la wargeliyo iyo kharashka la bixiyo, qoritaanka dakhliga iyo kharashka shirkadda iyo haddii nooca shirkaddu tahay shirkad sheer ah (osakeyhtiö) waa in la bixiyaa hantida aasaaska ee shirkadda (osakepääoma).
Doorashada nooca shirkadda waxaa saamayn ku yeesha waxaa ka mid ah tusaale ahaan tirada dadka shirkadda samaysanayaaintay tahay, in loo baahan yahan hantida aaska ee shirkadda (pääoma), qaybsashada masuuliyadda iyo go’aan gaaridda, maalgelinta iyo canshuuraha. Noocayada kala duwan ee shirkaduhu ee Finland waa: magac ku shaqaysasho (toiminimi); shirkad furan (avoin yhtiö); shirkad maalgelinteedu dad ka dhaxayso laakiin masuuliyadu ay hal qof saaran tahay (kommandiittiyhtiö); shirkad sheerar la leeyahay (osakeyhtiö) iyo shirkad iskaashato (osuuskunta). Haddii ad rabto inaad samaysato shirkad ganacsi oo ka weyn shirkadda magac ku shaqaysashada iyo haddii aad ka fekereyso waxqabadka ganacsiga ee noocyada shirkadaha kala duwan, waxaa wanaagsan inaad la xiriirto la taliyaha ganacsiga.