Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Badbaadada wakhtiga shaqa la’aanta

Turvaa työttömyysaikana

Yaa xaq u leh badbaadada shaqa la’aanta?

Badbaadada shaqa la’aanta waxaa heli kara qofka ah

  • 18-64 sano
  • shaqa la’aan ah ee xafiiska shaqada iska soo qoray inuu shaqo radis yahay
  • shaqo maalintii oo dhan raadinaya
  • mid awood inuu shaqeeyo, diyaarna u ah inuu shaeeyo
  • mid aan loo hayn shaqo ama waxbarasho

Isu diwaangelinta in shaqa la’aan la yahay

Haddii aad shaqa la’aan noqoto, waa inaad xafiiska shaqada iyo xoogsashada iska soo xaadirisaa ugu dambayn maalinta ugu horaysa shaqa la’aantaada. Sidoo kale waa inaad xafiiska shaqada iska soo xaadirisaa markay waxbarasho ama shaqada taageerada shaqaalayntu kuu dhammaadaan. Waana inaad hore u soo qaadataa dhammaan shahaadooyinkaaga waxbarasho iyo kuwa shaqada. Haddii shahaadooyinka qaar kaa maqan yihiin, gadaal ayaad ka keeni kartaa. Xasuuso, inaad mar walba soo qaadato baasaboorkaaga oo uu ka muuqdo sharcigaaga jooogidda waddanka.

Shaqaalaha xafiisku wuxuu kaala sheekaysanayaa xaaladaada, sidaas ayuuna ku ogaanayaa nooca badbaadada shaqa la’aanta ee xaq u yeelan karto. Wuxuu fiirinayaa shahaadooyinkaaga iyo caddaymahaaga kale. Waxaa kaloo lagu siinayaa wararka ah waxa ay tahay inaad samayso.

Diritaanka codsiga lacag maalmeedka

Markaad xafiiska shaqada tagtid ka dib, xafiiska Kelada waxaad u dirtaa codsigaaga aad lacag maalmeedka ku dalbanayso. Haddii aad qasnadda shaqa la’aanta ka tirsan tahay codsiga iyaga u dir. Wixii warqado ah ee lagaaga baahan yahay ku lifaaq codsigaaga. Lacag maalmeedka shaqa la’aanta iyadoo loo eegayo codsiga aad soo dirtay ayaa gadaal laga soo shubaa.

Dalxiisidda, waxbarashada ama shaqo ah wakhtiga lagu jiro shaqa la’aanta

Haddii adigoo shaqa la’aan ah aad rabto inaad safar aado ama waxbarasho aado, xafiiska shaqada u sheeg. halkaas ayaa lagaaga sheegayaa siday waxyaabahaasi u saamayn karaan lacagtaada shaqa la’aanta. Markaad shaqa la’aanta tahay waxaad xaq u leedahay inaad halkii sanoba gudeheed waddanka dibediisa safar ku aadi karto ugu badnaan lix maalmood oo ah maalmaha shaqadu jirto. Haddii wakhtiga aad safarka ku maqan tahay ka bato lix maalmood oo ah maalmaha shaqadu jirto, wakhtiga aad maqan tahay oo dhan ma heleysid lacagta shaqa la’aanta. Markaad fasax aadaysana waa inaad xafiiska shaqada hore ugu sii sheegtaa.

Warar sugan oo ku saabsan badbaadada shaqa la’aanta waxaad ka heleysaa maamulka shaqada boggagiisa internetka  www.mol.fi.