Eläketurva
Finland waxaa ka jira laba nooc oo sharciyaysan isna dhammaystira oo ah nidaamka badbaadada hawlgabka:
- Hawlgabka dakhligu wuxuu ka yimaadaa mushaharka uu qofku shaqaysto ama haddii uu ganacsade yahay.
- Hawlgabka qaranku wuxuu sugaa inuu qofku helo dakhliga ugu yar ee uu ku noolaan karo markuu hawlgab noqdo.
dadka muddadiidii layska rabey waddankan Finland deggenaa waxay lacagta hawlgabka heleyaan ugu dambayn markay gaaraan 65 sano. Hawlgabka qaranka ayaa sugaya badbaadada hawlgabka ee ugu yar, haddii qofklu aanu lahay hawlgabka dakhliga ama aanu ku filnayn. Waxaase shardi u ah inuu qofku muddadii layska rabey waddanka Finland deggenaa. Muddada uu qofku Finland deggenaa waxay kaloo saamaynaysaa lacagta hawlgabku intay noqonayso. Kelada weydii, inay suuragal tahay in lagu siiyo hawlgabka da’da lagu bixiyo ama kaalmada khaaska ee dadka waddanka u soo guurey (maahanmuuttajan erityistuki).
Dadka ka shaqeeya shaqada mushaharku waxay ka tirsan yihiin nidaamka hawlgabka shaqada, dadka beeraleyda ama xoola dhaqatada ah iyo ganacsadayaasha gaarka ahi waxay ka tirsan yihiin noocyo hawlgab oo ay leeyihiin. Labada hab ee nidaamka hawlgabkuba waxay leeyihiin hawlgabka da’da, hawlgabka awoodid la’aanta shaqada, hawlgab la soo hor marinayo oo qofka u gaar ah iyo hawlgabka shaqa la’aanta. Nooca sharciga hawlgabka ee la isticimaalayaa wuxuu ku xiran yahay qofka caymiska hawlgabka ku jira shaqdiisa iyo muddada uu shaqaynayey.
Hawlgabka waa inuu qofku codsado. Saddex bilood ka hor intuusan qofku gaarin da’da hawlgabka ayey hay’adaha hawlgabyadu qofka u soo diraan foom uu hawlgabka ku codsanayo, foomka meelaha qaarna waa la soo buuxbuuxiyey. Dadka aan foomka noocaas ah helin, xafiiska Kelada ayaa u soo dirta warqad loogu sheegayo hawlgabka qaranka. Foomka lagu dalbado hawlgabka da’da, qofku isagaa ka dalban kara Kelada ama hay’adda hawlgabka shaqaalaha. Boggaga Kela ayaad ka heleysaa warar ku saabsan sida hawlgabka da’da loo codsado.
Haddii laba qof ee isqaba mid ama masuulka qoysku dhinto, Qofka laga dhintay iyo ilmuhu waxay heli karaan hawlgabka qoyska.
Boggaga Kelada
ayaad ka heleysaa wararka la xiriira hawlgabyada: Finland sida ay hawlgabyadu u nidaamsan yihiin iyo sida loo codsado. Boggaga waxaad kaloo ka heleysaa warar ku saabsan hawlgabka shaqada maamulka iyo hawlgabka ganacsadaha (työvirka- ja yrittäjäeläkkeet).