Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Kainuu

Saldhigga Booliska ee Deegaanka Kajaani

Meesha iyo sida loola xiriiro:
www.poliisi.fi/kajaani

Lambarada telefoonada:
Lambarka guud ee markay dhibaato dhacdo 112
Lambarka laga gudbiyo 071 876 0201

Arrimaha ogolaashaha sharciyada (Lupa-asiat):
Kajaani: 071 87 65679, 071 87 65680, 071 87 65681
Sotkamo: 071 87 65729, 071 87 65728
Ristijärvi: 08 6155 431

Laanta booliska ee u adeegga macaamiisha 071 87 65691
Xafiiska alaabta la helay 071 87 65678

Saldhigga Booliska ee Kajaani wuxuu ku yaallaa dhismaha maxakamadda iyo booliska, cinwaankiisuna waa Lönnrotinkatu 2a, 87100 Kajaani. Isla dhismahaas waxaa kaloo ku yaalla maamulka xeerilaaliyayaasha iyo nidaamka, qaybta qaabilsan in dadka lacagaha bixin waayey lacagta laga soo qaado (kihlakunnanviraston ulosotto-osasto). Dhismahaas waxaa kaloo ku yaalla Maxakamadda Kajaani iyo Booliska Wadooyinka qaybtiisa Kajaani. Degmada Sotkamo waxaa iyana ku yaalla xafiis booliska ah oo dadka u adeegga.

Qaybta u adeegga macaamiisha, xafiiska waaxda dembi baarista iyo waaxda maamulku waxay furan yihiin oo shaqeeyaan Isniinta ilaa Jimcaha saacadaha u dhexeeya 8.00 - 16.15. Saacadaha aanay xafiisyadu furnayn, haddii dhibaato degdeg ah timaado, booliska waxaa lagala xiriiri karaa lambarka guud ee dhibaatooyinka degdegga ah, lambarkaas oo ah 112. Markaad lambarka guud ee dhibaatooyinka degdegga ah wacdo, xasuuso inaad u sheegto magacaaga, cinwaankaaga iyo degmada aad joogto ee aad telefoonka ka soo dirayso. Irridda weyn ee saldhigga booliska laga soo galo albaabkeeda bannaanka dhiniciisa waxaa ku yaalla telefoon albaabeed oo lagula xiriiri karo Xarunta Dhibaatooyinka Degdegga ah ee deegaanka Pohjois-Pohjanmaa iyo Kainuu. Xaruntaasi waxay ku taallaa Oulu, laakiin arrintaada waxay u gudbineysaa baabuurka booliska ee kuugu dhow.

Saldhigga Booliska ee Kajaani wuxuu u qaybsan yahay waaxda nabadsugidda, waaxda dembi baarista iyo waaxda maamulka. Waaxda nabadsugiddu waxay qaabilsan tahay arrimaha marka booliska la soo waco ee meel looga baahdo, ilaalinta gaadiidka, ilaalinta nidaamka iyo nabadgelyada guud, waaxdu waxay kaloo ka qaybqaadataa hawlaha baaritaannada ah ee dembiyada lagaga hortegayo. Waaxda dembibaaristu waxay qaabilsan tahay baaritaannada dembiyada, waxayna ka qaybqaadataa hawlaha ka hortagga iyo fulinta hawlaha ah marka booliska la soo waco oo meel looga baahdo. Waaxda maamulku waxay qaabilsan tahay arrimaha shaqaalaha iyo dhaqaalaha iyo weliba arrimaha sharciyada iyo arrimaha la xiriira alaabta luntay ee la soo helay.

Arrimaha sharciyada boolisku bixiyo waxaa qaabilsan xafiiska arrimaha sharciyada oo ku yaalla dabaqa 1aad ee dhismaha booliska.  

Noocyada sharciyada ee dadka waddanka u soo guurey khuseeyaa waa
- sharciyada deggenaanshaha waddanka (oleskeluluvat)
- dukumeentiyada lagu safro, sida dukumeentiga lagu safro ee qaxootiga iyo baasaboorka la siiyo dadka aan haysan baasaboorka waddankooda
- leysannada wadidda gaadiidka (ajokortit)
- kaadhka aqoonsiga (henkilökortit)
- arrimaha dhalashada waddanka (kansalaisuusasiat)

Qofku waa inuu isagu codsiyadiisa si shakhsi ahaan ah u keenaa wakhtigii loogu talagalay. Carruurta iyana wax loo dalbayo waa inay kula socdaan, markaad codsiga geyneyso. Codsiga leysannada wadidda gaadiidka iyo codsiyada kaadhka aqoonsiga go’aan ka gaaridoodu waxay qaadataa muddo laba ilaa saddex todobaad ah, sharciyada deggenaanshaha waddanka ee dadka ajnebiga ah codsadaan go’aankoodu inta badan wakhti intaa ka dheer ayuu qaataa. Arrinta ku saabsan intay qaadanayso in arrintaada go’aan laga soo gaaro waxaad kala sheekaysan kartaa qofka shaqaalaha ah. Haddaad rabto, qofka shaqaalaha ah ballan baad ka qabsan kartaa si uu kuula buuxbuuxiyo codsiyada.

Faahfaahin dheeraad ah:
www.migri.fi (tusaale ahaan: codsiyada dhalashada lagu dalbado, codsiyada lagu dalbado sharciga deggenaanshaha waddanka iyo dukumeentiyada lagu safro)
www.poliisi.fi (wuxuu toos u qaabilsan yahay sida arrimaha leysanka wadidda gaadiidka iyo kaadhka aqoonsiga)
www.112.fi (boggaga hay’adda dhibaatooyinka degdegga ah = hätäkeskus)

Maalgeliyaha guud ee boggani waa Hay’adda Maalgelinta Arrimaha Bulshada ee Yurub (Euroopan sosiaalirahasto).