|
|||||||||||||
|
|
|||||||||||||
|
|
Lupa-asiat
Fiisaha
Fiisaha (viisumi) waxaa qofka loo siiyaa booqasho gaaban darteed. Booqashada gaaban ee noocaas ah waxay ugu badnaan qaadan kartaa saddex bilood. Tusaale ahaan, qofka ajnebiga ah ee Finland u yimaada dalxiis ahaan, safar ganacsi ahaan ama safar shir ah, wuxuu u baahan yahay fiise. Fiisaha waxaa sida caadiga ah laga dalbadaa wakiilka ama safaaradda ay Finland ku leedahay qofka fiisaha dalbanaya waddankiisa.
waxaa jira waddamo ay Finland la leedahay heshiis ah inaan qofka looga baahnayn fiise. Dadka waddamadaas u dhashay uma baahna fiise, markay rabaan inay Finland yimaadaan. Wadamadaasi waa tusaale ahaan waddamada Waqooyiga Yurub iyo waddamada ka tirsan Ururka Midowga Yurub (EU). Faahfaahin dheeraad ah oo fiisayaasha ku saabsan waxaad ka heleysaa boggaga wasaaradda arrimaha dibedda (ulkoasiainministeriö) af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis. Sharciga Finland lagu joogi karo
Imaatinka waddanka Finland dartiis qofka waxaa loo ogolaan karaa sharci uu waddanka ku joogo ama fiise. Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka (Maahanmuuttovirasto) ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan, marxaladda qofka loogu ogolaan karo sharci uu waddanka ku joogo. Sharciyadu sida caadiga ah waa lacag. Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka adeegiisa ah Finland ma u soo guuraa (Muuttaisinko Suomeen –palvelu) waxaad ka fiirsan kartaa, inaad buuxinayso shuruudaha qofka Finland u soo guuri kara looga baahan yahay iyo noocyada sharciyada waddanka lagu joogo ee aad u baahan tahay. Adeegu wuxuu ku shaqeeyaa af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
Dadka leh dhalashada waddamada Waqooyiga Yurub ama Waddamada Ururka Midowga Yurub
Haddii aad haysatid dhalashada Iswiidhan, Norwey, Denmark ama Aysland (waddamada waqooyiga), Finland waad imaan kartaa oo adigoon sharci u baahnayn ayaad deggenaan kartaa. Sharciga shaqadana uma baahnid, haddii aad ka shaqaysid shaqo mushahar lagugu siiyo. Haddii aad leedahay dhalashada waddan ka mid ah Midowga Yurub ama waddamada Ururka Dhaqaalaha Yurub (ETA), Finland saddex bilood baad joogi kartaa, ka shaqaysan kartaa, xirfadaada ku shaqaysan kartaa ama wax ka baran kartaa adigoon shaqaalaha maamulka dowlada wax ogolaansho gaar ah uga baahnayn. Haddii aad intaa ka badan Finland joogto waa inaad xuquuqdaada joogitaanka waddanka diwaangelisaa. Fiiri Bangiga wararka boggiisa Dadka leh dhalashada Waddamada Ururka Midowga Yurub.
Dadka leh dhalashada waddamada kale
Haddii aad ka timi waddan kale oo aan ahay waddamada Waqooyiga Yurub ama Waddamada Ururka Midowga Yurub (EU) oo aad rabto inaad Finland joogto muddo saddex bilood ka badan, markaas sida caadiga ah waxaad u baahan tahay sharciga joogidda (oleskelulupa). Haddii aad Finland ka shaqaynaysana waxaad sida caadiga ah u baahan tahay sharciga shaqada ee qofka shaqaalaha ah looga baahan yahay. Fiiri Bangiga wararka boggiisa Shaqo u imaanshaha Finland. Foomam aad ku dalban karto sharciga joogidda waddanka: Warar ku saabsan qiimaha sharciyada joogidda waddanka Boggaga Xafiiska arrimaha u soo guuridda waddanka ayaad ka heleysaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan fiisayaasha iyo sharciyada joogidda waddanka ee ay u baahan yihiin dadka leh dhalashada waddamada aan ka tirsanayn Midowga Yurub (EU) ama Ururka Dhaqaalaha Yurub (ETA). Wararku waxay ku qoran yihii af Finnish, af Iswiidhish, af Ingiriis, af Faransiis iyo af Ruush. Adeegga shebekada ee Suomi.fi-verkkopalvelu waxaa ku qoran faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan u soo guuridda waddanka iyo arrimaha sharciyada waddanka lagu joogo. Wararku waxay ku qoran yihiin af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.
|
|
|||||||||||
|
|
|||||||||||||