Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Aqoon aasaasi ah oo ku saabsan Finland

Perustietoa Suomesta

  • Finland waa jamhuuriyad, waxayna xubin ka tahay Midowga Yurub(EU)
  • Luuqadaha offishalka ee waddanku waa af Finnish iyo af Iswiidhish (dadka waddanka 5 % ayaa afkooda hooyo Iswiidhish yahay)
  • Tirada dadka ee waddanka ku nool qiyaastii waa 5 200 000
  • Helsinki oo ah magaalo-madaxda waddanka waxaa deggen qiyaastii 560 000 oo qof
  • Dhulka Finland cabirkiisu waa 338 127 km2, waxaana biyo ah 33 522 km2
  • Waddanka Finland dhererkiisu waa 1160 km oo ah koonfurta ilaa waqooyiga
  • Waddanku wuxuu u qaybsan yahay shan gobol oo kala ah gobolka Koonfurta Finland, gobolka Galbeedka Finland, gobolka Bariga Finland, gobolka Oulu iyo gobolka Lapland
  • Degmooyinkuna waa 431
  • Finland waxaa deris la ah Ruushka (dhinaca bariga), Norwey (waqooyiga) iyo Iswiidhen (galbeedka)

Boggaga wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ku yaalla tilmaame la yiraahdo Koti Suomessa -opas, oo ay ku qoran yihiin warar loogu talagalay dadka waddanka u soo guureyku oo ku saabsan deggenaansha, waxbarashada iyo daryeelka arrimaha bulshada, wuxuuna ku qoran yahay luuqadahan soo socda:

Soomaali
Finnish
Iswiidhish
Ingiriis
Faransiis
Ruush
Serbokroati
Farsi
Kurdi
Carabi
Albaaniyaan
Fiitnaam
Dari
Istooniyaan
Finnish fudud (Finnish)

Meelo kugu hagaajinaya boggag faa’iido leh

Shebekadda adeegga Finland (Suomi.fi –verkkopalvelu) waxaad ka heleysaa warar badan oo kala duduwan oo ku saabsan hay’adaha dowladda, guryaha iyo adeegyada Finland gudeheeda, kuwaas oo ku qoran luuqadaha Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Boggaga Finland oo virtual ah waxaad ka heleysaa macluumaad af Ingiriis ah oo ku saabsanwaxyaabo ay ka mid yihiin bulshada Finnishka, dhaqanka iyo istaatikiska la xiriira Finland .

Shebekadda qaamuuska ah ee Wikipedia waxaa ku qoran aqoon guud oo Finland ku saabsan.

Boggaga shebekadda Xarunta Istaatikiska waxaa ku jira macluumaad istaatikis ah oo ku saabsan Finland oo ku qoran luuqadaha Finnish, Iswiidhish, Ingiriis, Faransiis iyo Jarmal.