Structure_LogoPart1



Adhigti ku noqoshada ciyaaraha khamaarka

Peliriippuvuus

"Mi jiraan biyo dhoobo ah, oo aan maaxan."
(Maahmaah Filibiiiniyaan ah)

Haddii ciyaaridda khamaarku nolosha inteeda kale ka awood badiso, oo aad khamaarka iska deyn kari weydo, waxaa qummman inaad raadsato caawimo.

Khamaaryahanada aan magacooda sheegayn =GA (Gamblers Anonymous; Nimettömät Pelurit)

Dhibaatooyinka khamaarka waxaad caawimo uga heli kartaa meelahan xeryaha ah ee soo socda:

Xarunta Baxnaaninta ee Kiliniga Aalkolada ee Kouvola (Kouvolan A-klinikan kuntoutuskeskus)
Bulshada Daryeelka Dhallinyarada Nuoho ee Kiliniga Aalkolada ee Turku (Turku A-klinikan nuorten hoitoyhteisö Nuoho
Isbitaalka Arrimaha Bulshada ee Järvenpää (Järvenpään sosiaalisairaala)
Xarunta Baxnaaninta ee Tyynelä, Pieksämäki (Tyynelän kuntoutuskeskus, Pieksämäki)
Xarunta Baritaanka Arrimaha Bulshada, Tampere (Sosiaalipedagoginen keskus, Tampere)

Warar faahfaahsan oo loogu talagalay dhallinyarada asalkoodu ajnebiga yahay ee ay hayso dhibaatada ciyaaridda khamaarka, waxaad ka heleysaa cinwaanka www.sosped.fi.