Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Helsinki

Adeegyada arrimaha bulshada

Helsinki waaxda arrimaha bulshadu waxay bixiso waxaa ka mid ah xannaanada carruurta iyo adeegyo kale oo qoysaska loogu talagalay, adeegyada loogu talagalay naafada, waayeelka, dadka guryo la’aanta ah iyo kuwa mukhaadaraadka isticimaala. Xaafadaha kala duduwan ee Helsinki waxaa ku yaalla xafiisyo arrimaha bulshada (sosiaaliasema), kuwaas oo u adeega dadka magaalada deggan markay ku jiraan marxaladaha kala duwan ee nolosha.

Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa boggaga waaxda arrimaha bulshada (sosiaalivirasto).

Haddii aad rabto inaad weydiiso wax ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee Helsinki, waxaad wici kartaa la taliyaha arrimaha bulshada (sosiaalineuvoja).

Haddiii musghaharka iyo kaalmooyinku ay kuugu filnaan waayaan nolosha, waxaa suuragal ah inaad dalbato lacagta caawimada nolosha. Lacagta caawimada waxaa sida caadiga ah laga dalbadaa xafiiska sooshalka (sosiaaliasema) ee xaafadda aad deggan tahay. Haddii aad ka tirsan tahay Qaybta dadka waddanka u soo guurey (Maahanmuuttoyksikkö), lacagta caawimada nolosha qaybtaas baad ka dalbanaysaa.

Caawimada lacagta nolosha (toimeentulotuki, 2008)
Warar mawduuca ku saabsan oo luuqadaha soo socda ah:
Soomaali
Finnish
Iiswiidish
Ingriis
Ruush
Istooniyaan
Faransiis
Serbokroati
Albaniyaan

Markaad uur leedahay 

Rugtaada caafimaadka weydii adeegyada laga helo rugaha daryeelka.

Rugaha caafimaadka ee Helsinki

Carruurta iyo dhallinyarada

Xannaano maalmeedka

Haddaad rabto inaad ilmaha u dalabto xannaano maalmeed degmadu leedahay, waa inaad xannaanada toos ula xiriirtaa. Faahfaahin dheeraad ah boggaga Waaxda arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki (sosiaalivirasto).

Xannaanooyinka degmadu leedahay ee Helsinki ku yaalla

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xannaanooyinka barayfitka ah ee Helsinki ku yaalla

Barbaarinta

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrimaha badbaadada carruurta waxaad  Helsiki gudeheeda ka heleysaa xarunta qoysaska (perhekeskus) ee xaafadaada.

Waxqabadka dhallinyarada

Waxqabadka dhallinyarada ee Helsinki waxaa u xilsaaran xarunta arrimaha dhallinyarada (nuorisoasiainkeskus). Meelaha ay ka shaqeeyaan waxay ku yaallaan dhinacyada kala duwan ee Helsinki. Dhallinyarada ayey waxay u qabanqaabiyaan waxqabadyo badan. 

Xarunta wargelinta dhallinyarada ee Kompassi (Nuorisotiedotuskeskus Kompassi) boggageeda waxaa ku yaalla warar badan oo faa’iido le, ayna ka mid yihiin kuwo ku saabsan degenaanshaha, shaqada, waxbarashada iyo wakhtiga firaaqada ah. Tilmaanbixiyaha Xaggee caawimo laga helaa (Mistä Apua -opas) waxaa ku yaalla warar ku saabsan, meesha caawimo looga heli karo xaaladaha kala duduwan ee nolosha.

Waayeellada

Helsingin kaupungin Seniori-info waxaad ka heleysaa warar ku saabsan adeegyada waayelka ee Helsinki: sida adeegyada arrimaha bulshada, adeegyada degenaanshaha, adeegyada daryeelka caafimaadka iyo qalabka caawimada. Waxaad kaloo fiirisaa boggaga waaxda arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki.

Haddaad rabto inaad dalbato adeegyada waayeelka, la xiriir qaybta arrimaha bulshada iyo shaqada ehelka (sosiaali- ja lähityön yksikkö) ee xaafadaada. Liiska ka dalbo xaafadda aad deggen tahay. Hase ahaatee adeegyada ku daryeellida guriga waxaa laga dalbadaa rugta caafimaadka.

Wararka ku saabsan adeegyada guriga

Kaalmada haynta ehelka

Haddaad Helsinki deggan tahay oo aad guriga ku hayso qof naafo ah oo ka yar 65 sano, kaalmada daryeelka ehelka waxaad ka dalban kartaa qaybta arrimaha bulshada iyo shaqada ehelka (sosiaali- ja lähityön yksikkö) ee xaafadaada ee qaabilsan adeegyada naafada. Haddaad hayso qof waayeel ah oo ka weyn 65 sano, kaalmada daryeelka ehelka waxaad ka dalban kartaa qaybta arrimaha bulshada iyo shaqada ehelka (sosiaali- ja lähityön yksikkö) ee xaafadaada ee qaabilsan adeegyada waayeelka. Markaad dalbanayso kaalmada daryeelka ehelka, waxaad u baahan tahay caddayn dhakhtar. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada daryeelka ehelka waxaad ka heleysaa boggaga waaxda arrimaha bulshada (sosiaalivirasto). Waxaad kaloo firisaa Wararka waayeelka (Seniori-info).

Naafada 

Adeegyada naafada intooda badan Helsinki gudeheeda waxaa laga dalban karaa shaqaalaha sooshalka ee adeegyada naafada ee qaybta arrimaha bulshada iyo shaqada ehelka (sosiaali- ja lähityön yksikkö) ee xaafadaada. Markaad adeegyada naafada dalbanayso, waxaad u baahan tahay warqad dhakhtar. Warqadaas waxaad sida caadiga ah ka heli kartaa rugta caafimaadka (terveysasema).

Rugaha caafimaadka ee Helsinki

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan adeegyada naafada ee Helsinki

Waxbarashada khaaska ah ee ilmaha naafadaha loogu talagalay

Wararka ku saabsan waxbarashada khaaska ah ee Helsinki waxaad ka heleysaa boggaga gudoonka waxbarashada (opetusvirasto).