Adeegyada arrimaha bulshada
Xarunta Adeegga Arrimaha Bulshada ee magaalada Kajaani waxay la socotaa dadka macaamiisha ah xaaladahooda nolosha ee kala duduwan. Adeegyada arrimaha bulshada, lacagta caawimada nolosha, xannaano maalmeedka iyo taageerada kale ee daryeelka carruurta yar yar, arrimaha badbaadada carruurta, adeegyada khaaska ah ee loogu talagalay dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah iyo daryeelka dadka waxyaabaha maskaxda dooriya isticmaala, waxyaabahaas adeegyada ah oo dhan waxay kor u qaadaan inay dadka magaalada deggen helaa nolol leh madax bannaani, nabadgelyo iyo sinnaan.
Hawsha ah shaqada arrimaha bulshadu waa in qofka shakhsiga ah iyo qoysaskaba la caawiyo oo lugu taageero siday uga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka la soo gudboonaada iyo in laga taageero ciriiriga nafsad ahaaneed ee dhibaatooyinku u keeni karaan. Shaqaalaha sooshallada ah qof walba ama qoys walba oo macaamiil ah dhibaatadiisa isagay isla fiiriyaan, ka dibna waxay u qabanqaabiyaan noocyada taageerada ah ee luu qofkaasi ama qoyskaasi u baahan yahay. Taageerooyinkaasi waa kuwo daryeelaya oo kordhinaya nabadgelyada qofka iyo qoyska iyo siday isaga debberi lahaayeen waxyaabaha nolol maalmeedkooda ku saabsan. sosiaalipalvelut.
Daryeelka arrimaha bulshada (Sosiaaliturva)
Taageerooyinka dhaqaale ee ugu horeeya oo ay ka mid yihiin lacagta taageerada ijaarka (asumistuki), lacagta taageerada waxbarashada (opintotuki), lacagta taageerada shaqo la’aanta (työmarkkinatuki) waxaa laga codsadaa oo soo shuba hay’ado kala duduwan oo maamulka dowladda hoos taga, waxaana ka mid ah Hay’adda Hawlgabka Qaran (KELA = www.kela.fi) ama xafiiska shaqada (www.mol.fi). Hay’adda arrimaha bulshada (sooshalka) waxaa laga codsadaa oo ay soo shubtaa lacagta caawimada nolosha.
Lacagta caawimada nolosha (Toimeentulotuki)
Lacagta caawimada noloshu waa taageero dhaqaale oo shakhsi ahaaneed oo uu qofku codsan karo, helina karo haddii uu ku sugan yahay xaalad ah in qofka mushaharkiisa ama dakhligiisa kale ee dhaqaale ama hantidiisu aanay ku filnayn kharashka caqligalka ah ee nolosha caadiga ah. Caddadka lacagta caawimada noloshu waa farqiga ka soo baxa marka la kala gooyo kharashka qofka ka baxa iyo dhaqaalaha soo gala, ee lagu caddeeyey sharciga lacagta caawimada nolosha.
Heeganka
Dadka arrintoodu degdegga tahay iyo kuwa u baahan caawimo degdegga ah waxaa iyagoon ballan lahayn qaabila qofka shaqaalaha ah ee heedanka ku qoran. Haddii arrintu ku saabsan tahay lacagta caawimada nolosha, markaas waxaa layska xaadiriyaa meesha la talinta ee xarunta adeegga arrimaha bulshada (sosiaalipalvelukeskuksen neuvonta) subax walba oo shaqo jirto saacadda 9.00, Osmonkatu 3, 87100 KAJAANI.
Lambarka telefoonka ee shaqaalaha sooshalka ah ee heeganka ku qoran waa (08) 615 67741), laymanka telefoonadu waxay furan yihiin Isniin, Arbaco, Jimce saacadaha 9-11 iyo 13 -14, Talaadada saacadaha 11-12 iyo 13-14 Khamiistana saacadaha 9-11.
Adeegyada dadka waddanka u soo guurey
Adeegyada arrimaha sooshalka ee dadka magangelyada codsaday iyo dadka qaxootiga ah loogu talagalay waxaa laysugu geeyey waaxda magaalada u qaabilsan adeegyada dadka waddanka u soo guurey maahanmuuttajapalvelut, Lönnrotinkatu 3, dabaqa 2aad, 87100 Kajaani, tel. (08) 615 52760. Dadka macaamiisha ah qaybtaas ayey ka codsadaan oo ka helaan lacagta caawimada nolosha ee sharci ahaan ay xaqa u leeyihiin, waxaana la baraa nidaamka Finnishka ee daryeelka arrimaha bulshada. Waxayna halkaas ka helaan shaqaale aqoon fiican u leh hawlaha dadka waddanka u soo guurey, shaqaalahaas oo ah shaqaale sooshal, hawlwadeenada qaxootiga, kalkaalisooyinka daryeelka caafimaadka iyo adeegyada dadka shaqaalaha ah ee qaabilsan noocyada kale ee taageeridda iyo hagidda.
Arrimaha degdgega ah dartoo qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey waxay leedahay dad shaqaale ah oo heeganka ku qoran, dadka shaqaalaha ah ee heeganka ku qoran waxay kala yihiin hawlwadeenno, kalkaalison daryeelka caafimaadka iyo shaqaale sooshal ah.
Ku soo dhowoow xannaano maalmeedka magaalada Kajaani
Xuquuqda xannaano maalmeedka
- Iyadoo la eegayo siday ugu baahan yihiin ayaa xannaano maalmeedka waxaa la siiyaa carruurta aan da’da iskuulka gaarin.
- Xuquuqda helitaanka boos xannaano maalmeed waxay ku salaysan tahay Sharciga Finland.
- Carruurtu markay 6 jir yihiin ayey xannaano maalmeedka ka bilaabaan waxbarashada hore.
- Iskuulka waxaa lagu bilaabaa 7 jir.
- Xannaano maalmeedku waxay u shaqaysaa iyadoo tixgelin siinaysa baahida shakhsi ahaaneed ee carruurta iyo qoysaska iyo dhaqamada ay qoysasku asal ahaan ka soo jeedaan, waxaa iyana la tixgeliyaa in sida qoysaska loola dhaqmaa ahaato mid caddaalad leh.
Qabanqaabinta xannaano maalmeedka
- Xannaano maalmeedyada Kajaani qabanqaabisaa waxay isugu jiraan xannaanooyin magaaladu leedahay iyo kuwo barayfit ah iyo xannaano maalmeedka qoyska (perhepäivähoito).
- Xannaano maalmeedka qoyska macneheedu waa, qof shaqaale ah ayaa guriga uu deggen yahay carruurta ku haya. Qofka shaqaalaha ah ee guriga uu deggen yahay carruurta ku hayaa wuxuu gurigiisa ku hayn karaa ugu badnaa afar carruur ah oo aan da’da iskuulka gaarin iyo hal ilmo ah oo ku jira da’da u diyaarinta ama iskuulley ah.
- Kajaani waxaa ka furan 13 xannaano oo ay magaaladu leedahay iyo 13 xannaano oo barayfit ah. Xannaanooyinku waxay ku kala yaallaan magaalada xaafadeheeda kala ah: Bartamaha (keskusta), Lohtaja, Pikku-Kettu, Teppana, Kuurna, Lehtikangas, isla xaafadahan waxaa kaloo ka shaqeeya qiyaastii 50 qof oo shaqaale ah oo magaalada u shaqeeya oo guriga ay deggen yihiin ilmo ku haya iyo qiyaastii 50 kale oo shaqaale barayfit ah oo guriga ay deggen yihiin ilmo ku haya.
Xannaano maalmeedka khaaska ah
- Xannaano maalmeedka magaalada Kajaani waxay leedahay koox shaqo oo ka kooban dad cilmiyo kala duduwan soo bartay oo loogu talagalay inay taageeraan horumarka koriinka iyo barbaarinta ee carruurta u baahan daryeelka iyo barbaarinta khaaska ah.
Waxyaabaha xannaano maalmeedku ka kooban tahay
- Adeegyada xannaano maalmeedka iyo waxbarashada hore ee magaalada Kajaani waxaa loogu talagalay inay carruurta iyo qoysaskaba u suurageliyaan in deegaanka ay ku nool yihiin uu noqdo mid ay ka helaan nabadgelyo iyo barbaarin fiican.
- Waxyaabaha maalintii xannaanooyinka lagu sameeyaa waa wakhtiyo la ciyaaro iyo wakhtiyo waxbarasho iyo waxqabad la sameeyo, bannaankana waa loo baxaa, nasasho maalmeed iyo cunttoyin la cuno oo kala ah – quraacda oo ah saacaddu markay tahay qiyaastii 8.15, qadaduna waa saacaddu markay tahay qiyaastii 11.00 iyo cunto yar oo la cuno saacaddu markay tahay qiyaastii 14.00 (labada duhurnimo).
- Xannaanooyinka Kajaani waxaa ka shaqeeya shaqaale soo bartay cilmiga barbaarinta hore.
Sida xannaano maalmeedka laysu soo qoro
- Xannaano maalmeedka marka laysa soo qorayo waxaa la soo buuxbuuxiyaa foom loogu talagalay oo la yiraahdo foomka ”is soo qoridda xannaano maalmeedka” = ilmoitus päivähoitoon”, Päivähoito - Haku. Buuxbuuxinta foomka waxaa kaa caawin kara shaqaalaha qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey ama isku dubaridaha hawlaha dadka waddanka u soo guurey.
- Markuu ilmuhu bilaabayo xannaano maalmeedka waxaa si wadajir ah kaaga caawinaya isku dubaridaha barbaarinta hore ee hawlaha dadka waddanka u soo guurey iyo shaqaalaha qaybta adeegyada dadka waddanka u soo guurey iyo shaqaalaha xannaano maalmeedka.
MEELAHA IYO SIDA LOOLA SOO XIRIIRO
Ku soo dhowoow xannaano maalmeedka magaalada Kajaani