Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Helsinki

Sosiaalipalvelut Helsingissä

Adeegyada arriimaha bulshada ee Helsinki gudeheeda

Bangiga wararka boggiisa waddanka oo dhan ku saabsan ee Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee Finland.

Bangiga wararka qaybtiisa deegaanka magaalomadaxda boggiisa Adeegyada arrimaha bulshada waxaa ku qoran warar ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee deegaanka magaalomadaxda.

Shaqada sooshalka ee dadka qaangaarka ah 

Bangiga wararka boggiisa Xafiiska adeegyada arrimaha bulshada waxaa laguugu sheegayaa waddankan Finland arrimaha ay qaabilsan yihiin degmooyinka xafiisyadooda adeegyada arrimaha bulshada (Helsinki xafiiyada adeeyada arrimaha bulshada waxaa loo isticimaalaa magaca saldhiga arrimaha sosiaaliasema).

Waxaa jira qoraal wargelin ah oo leedahay waaxda arrimaha bulshada ee Helsinki, wargelinta waxaa ku qoran waxyaabaha salka u ah helitaanka lacagta caawimada nolosha. Wargelinta waxaa la heli karaa iyadoo ku qoran luuqadahan : af Finnish , af Iswiidhish, af Ingiriis , af Ruush , af Istooniyaan , af Faransiis , af Serbokroatiya , af Soomaali, af Albaaniyaan , af Dari , af Tamili iyo af Kurdi .

Xafiisyada arrimaha bulshada af Finnish.

Adeegyada luuqadda Iswiidhishka ah af Iswiidhish.

Adeega S-info ee ah weydii talabixiyaha sooshalka

S-info waxay dadka si lacag la’aan ah u siisaa talooyin ku saabsan adeegyada arrimaha bulshada ee magaalada Helsinki laga helo iyo adeegyada arrimaha bulshada ee laga helo ururada shacabka iyo hay’adaha barayfitka ah.

Meeshan dadka talooyinka siisa  ballan la’aan baa la imaan karaa. Waxyaabaha aad shaqaalaha ku wada hadashaanna waa aammin. Adoon magacaaga sheegin xitaa waad heleysaa wixii talooyin ah.

S-Info
Toinen linja 4A
00530 Helsinki
Tel. (09) 310 44000
Cinwaanka E-mailka: sosiaalineuvonta(at)hel.fi

Waxay furan tahay maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10 - 16

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan S-Info af Finnish iyo af Iswiidhish.

Heeganka arrimaha bulshada

Heeganka arrimaha bulshadu 020 696006 wuxuu dadka caawiyaa saacadaha u dhexeeya 16.00 - 8  .00 (4 galabnimo - 8 subaxnimo) hadday yimaadaan xaalado ah in si degdeg ah loogu baahan yahay waxqabadka sooshalka. Luuqadaha dadka loogu adeegaa waa Finnish, Iswiidhish iyo Ingiriis.

Saacadaha xafiisyadu furan yihiin (saacadaha 8 - 4 galabnimo) adeegyada waxaa ugu horayn laga helaa xafiiska sooshalka ee qaabilsan deegaanka uu qofku deggan yahay. Meelaha lagala xiriiro oo ku qoran af Finnish.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heeganka arrimaha bulshada waxay ku qoran tahay boggaga waaxda arrimaha bulshada, waana af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Dhaqaatiirka deg dega (kriisipäivystys)

Hadaad u baahato neersi maskaxeed ama gargaar deg dega ah xaga maskaxda ah waxaad la xiriiri kartaa dhinaca talefoonka isbitaalka deg dega ah. shaqaalaha deg dega wexey xataa kuugu imaanaayaan meesha shilka uu kuugu dhacay.

Isbitaalka deg dega tel. 09 3104 4222 waad soo wici kartaa xili kasto habeen iyo maalinba af Finnish.

 

Ka daryeelidda waxyaabaha maskaxda dooriya

Waaxda sooshalka waxaa laga helaa caawimo ku saabsan ka daryeelidda waxyaabaha maskaxda dooriya, baxnaaninta (kuntoutus) iyo hawlaha lagaga hortegayo dhibaatooyinka waxyaabaha maskaxda dooriya. Faahfaahin dheeraad ah oo af Finnish ah ka fiirso bogga waaxda sooshalka.

Qaxootiyada iyo kuwa magangelyada dalbaay

Qaxootiga iyo dadka magangelyada dalbaday qaabilaadooda Helsinki waxaa u xilsaaran waaxda arrimaha bulshada laanteeda arrimaha dadka waddanka u soo guurey.

Laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey waxay dadka qaxootiga ah ee Helsinki si joogto ah u deggenaanaya u qabanqaabisaa adeegyo sooshalka ah oo ka taageeraya siday waddanka ula qabsan lahaayeen . Qofka macaamiisha ka ah laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey wuxuu lacagta caawimada nolosha ka codsadaa laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey .

Laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey
(Maahanmuuttoyksikkö)
Dagmarinkatu 6
00100 Helsinki
Tel. (09)310 4 011
Faksi (09) 310 37573
Cinwaanka E-mailka: mayk(at)hel.fi

Talosiinta Isniin-Jimce saacadaha 8.15 - 16.00
Tel. (09) 3103 7577

Laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey  af Finnish iyo af Ingiriis .

Laanta arrimaha dadka waddanka u soo guurey boggageeda waxaa ku qoran warar af Finnish ah oo ku saabsan qaxootiga. Helsinki waxaa ku taalo afar xiro qaxooti (vastaanottokeskus) oo lagu soo dhaweeyo qaxooti.

Xeryaha qaxootiga ee Helsinki ayaa u xilsaaran qaabilaadda dadka magangelyada dalbada. Ilaa inta dadka magangelyada dalbaday codsiyadooda go’aan laga gaarayo, dadka magangelyada dalbaday adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin waxaa u qabanqaabiya xeryaha qaxootiga.

Warar ku saabsan xeryaha qaxootiga ee Helsinki waxaad iyagoo af Finnish ah ka heleysaa boggaga waaxda arrimaha bulshada.

Bangiga wararka boggiisa Qaxootiyada iyo kuwa magangelyada dalbaday waxaad ka heleysaa warar dheeraad ah oo ku saabsan sida Finland loogu qaabilo dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangelyada dalbada.

Kala talinta deynka (Velkaneuvonta)

Warbixinta dhaqaalaha- iyo talobixiska deenta Helsinki bogga Infobanki Xaaladaha dhibaatada ah ee Helsinki gudeheeda .

Badbaadada carruurta

Wararka ku saabsan badbaadada carruurta ee Helsinki af Finnish , af Iswiidhish iyo af Ingiriis .

Rugaha la talinta qoysaska ee waaxda sooshalku waxay bixiyaan waxyaabo heer khaas ah oo ah la talin, taageero iyo daryeel.

Meelaha lagala xiriiro rugaha la talinta qoysaska oo xaafad-xaafad ah af Finnish.

Xannaano maalmeed 

Warbixinta ilmo ilaalis maalmeedkoodsa waxaad ka helee bogga infopanki Waxbarashada Helsinki gudeheeda .

Hawlaha dhallinyarada

Helsinki hawlaha dhallinyarada waxaa u xilsaaran xarunta arrimaha dhallinyarada (nuorisoasiankeskus). Meelaha goobeheedu ku yaallaan oo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis.

Waayeelka

Boggaga shebekadda internetka ee Seniori-infowaxaad ka heleysaa warar ku saabsan adeegyada dadka waayeelka ah loogu talagalay oo ay ka mid yihiin adeega guryeynta (palveluasuminen), dayeelka guriga (kotihoito) iyo adeega gaadiidka. Wararku waa af Finnish iyo af Iswiidhish. Telefoonka waxaa talosiin lagu helaa saacadaha 8.15 - 16 lambarka (09) 310 44556, shakhsi ahaanna waxaa dadka talooyin loo siiyaa saacadaha 10 - 16, waxaana lagu siiyaa S-info oo ku taalla Toinen linja 4A, 00530 Helsinki.

Adeegyada waayeelka loogu talagalay waxaa laga dalbadaa qaybta hawlaha sooshalka iyo hawlaha dhow ee qaabilsan xaafadda uu qofku deggan yahay . Meelaha lagala xiriiro oo ah af Finnish.

Xarunta daryeelka caafimaadka qaybteeda daryeelka gurigu waxay dadka waayeelka ah ee guryahooda deggan ee macaamiisha ah ka taageertaa arrimaha nolol maalmeedka ah ee aanu qofka waayeelka ahi qabsan karin . Meelahala lagala xiriiro qaybta daryeelka guriga oo ah af Finnish iyo af Iswiidhish.

Adeegyada naafada

Adeegyada naafada loogu talagalay waxaa ka mid ah hawlaha sooshalka, adeegyada guryeynta, daryeelka guriga iyo adeegyada gaadiidka. Adeegyada naafada loogu talagalay Helsinki waxaa laga dalbadaa qaybta hawlaha sooshalka iyo hawlaha dhow ee qaabilsan xaafadda uu qofku deggan yahay . Meelaha lagala xiriiro oo ah af Finnish. Adeegyada luuqadda Iswiidhishka ah meelaha lagala xiriiro oo ah af Iswiidhish.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan adeegyada naafada ee Helsinki waxaad iyagoo ah af Finnish, af Iswiidhish iyo af Ingiriis ka heleysaa boggaga waaxda sooshalka ee Helsinki.

Boggaga Hel.fi waxaa af Finnish ahaan ugu jira cinwaanno kugu xiraya boggaga internetka ee ururada naafooyinka ee ka shaqeeya deegaanka magaalomadaxda.

Boggaga waaxda sooshalka waxaa ku qoran warar ku saabsan sida Helsinki loo dalbado qalabka la kaashado af Finnish. Adeegyada naafada waxaa lagu dalban karaa foom ku jira bogga waaxda sooshalka af Finnish iyo af Iswiidhish.

Carruurta naafada ka ah xagga horumarka koriinka

Rugta daryeelka naafada ee Helsinki ayaa u adeegta dadka naafada ah iyo ehelkooda. Haddaad rabto inaad rugta daryeelka naafada macaamiil ka noqoto, la xiriir sooshalka xaafadaada u qaabilsan hawlaha daryeelka naafada xagga horumarka koriinka.

Meelaha lagala xiriiro waaxda sooshalka qaybta u qaabilsan hawlaha sooshalka ee dadka naafada ah af Finnish.