Structure_LogoPart1
Dooro mawduuc:



Sida baad u isticimaalaysaa Bangiga wararka

Markaad doontaad ku soo noqon kartaa bogga luuqadaha laga doorto, haddaad gujiso khariidadda geeskeeda sare ee dhinaca bidixda.

Markaad doontaad luuqadda iska beddeli kartaa. Bogga geeskiisa sare ka dooro luuqadda, sidaas baad toos ugu gudbeysaa bogga luuqadda.

Bogga geeskiisa sare waxaad ku arkaysaa wadiiqo (sivupolku), kuu sheegeysa meesha aad joogto. Isla wadiqadaas ayaa kugu celineysa bogga bilowga.

Boggaga luuqadda Finnishka ku qoran erayada adag ee ku jira si gaar ah ayaa loo sharaxay oo waa la jilciyey.

Meesha ugu horaysa ee ah (”Dooro mawduuc”) waxaa loo kala saarsaaray waxyaabaha ugu muhiimsan ee la xiriira arrimaha u soo guuridda waddanka iyo ku noolaanshaha Finland, iyagoo qaybqayb ah. Meesha ugu horaysa (päävalikko) bog kasta oo aad joogto waad ka soo saari kartaa, markaad gujiso fallaarta cinwaanka ”Dooro mawduuc” hoostiisa.

Adeegga eray ku raadinta ayaa kuu fududaynaya, xitaa haddii aadan aqoon meeshaad arrintaada jawaabteeda ka raadin lahayd.

Wararka halkii marba hal luuqad uun baad ka raadsan kartaa.

Waxaannu isku deyeynaa in aannu Bangiga wararka ku xirno macluumaad badan o luuqado kala duwan ku qoran. Laakiin mararka qaarkood arrintani suuragal ma aha. Haddii bogga shaqaalaha maamulka aanay ku qornayn warar mawduuca ku saabsan oo ku qoran luuqad la mid ah tan Bangiga wararka ee aad boggiisa ku jirto, xiriiriyayaalku waxay kuu gudbinayaan boggag af Finnish ah. Sida caadiga ah wararka mawduuca ku saabsan waxaa boggaga shaqaalaha maamulka laga helaa iyagoo ku qoran af Iswiidhish ama Ingiriis. Tusaale ahaan bogga geeskiisa sare ka dooro Ingiriisi, waxaad heleysaa isla bogga aad ku jirto ee Bangiga wararka waxyaabaha ku qoran oo Ingiriis ah.

Bog walba oo mawduuc gaar ah ka hadlaya dhiniciisa midigta waxaa ku qoran  Meesha laga doorto ”Wararka deegaanka”. Markaad rabto warar ku saabsan adeegyada degmada aad deggen tahay, marka hore meesha laga doorto ka dooro magaca magaalada. Degmo waliba markay wararka ku saabsan u soo gudbiso adeegan ayaa magaceeda lagu daraa liiska.