Suomen kieltä internetissä
"Qofka ugu hadalka fiicani waa kan, dadka dhegehooda wax ku aragsiiya."
(Maahmaah Carabi ah)
Koorsooyin iyo laylisyo luuqadda Finnishka ah:
Ymmärrä suomea!
Koorsadani waxay ka kooban tahay 19 cashar oo la dhegeysan karo, qaamuus yar oo Finnish iyo Ingiriis ah, naxwe, laylisyo iyo liis ficillo ah.
Suomea, ole hyvä!
Qalabka waxbarashadan waxaa ka mid ah cajallado fiidyow ah oo laylisyada bilowga ah, laylisyo, erayo la buuxbuuxinayo iwm.
Tavataan taas!
Koorsadan luuqadda Finnishka ahi wuxuu ka kooban yahay liis erayo ah, naxwe iyo weedho gaagaaban oo tusaaleyaal ah. Luuqadaha koorsadu waa Finnish iyo Ingiriis.
Supisuomea
Waxyaabaha wax laga barto ee barnaamij Tv taxane ah. Qoraallo, laylisyo tababar ah, naxwe, cajallado fiidyow ah.
Perunakellari
Laylisyo naxwaha ah. Qayb ka mid ahina waxay tahay mid ku haboon waxbarashada dadka waaweyn.
Suomen kielen harjoituksia
Laylisyo luuqadda Ingiriiska ah.
Uuno
Waa bog loogu talagalay waxbarashada bilowga ah ee luuqadda Finnishka.
A chance to speak Finnish
Weedho guud, oo af Finnish lagu akhriyey ka dibna af Ingiriis loo turjumey.
Finnish School
Laylisyo tababar ah oo luuqadda Finnishka laga turjumayo oo Ingiriis loo turjumayo iyo iyagoo Ingiriis laga turjumayo oo Finnish loo turjumayo. Wuxuu u baahan yahay inaad is diwaangelisid.
Dialang
Tijaabi aqoontaada luuqadda Finnishka: akhrinta, qoridda, dhegeysiga, dhismaha iyo erayada.
Linguhouse.com
Waa koorso luuqadda ah oo lacag la’aan ah oo aad af Finnishka ka baran karto adigoo kaashanaya luuqadahan soo socda:
Jarmal–Finnish
Ingiriis-Finnish
Isbaanish-Finnish
Faransiis-Finnish
Ruush-Finnish
Iswiidhish-Finnish
Shiine-Finnish
Naxwaha iyo aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka:
The Finnish Language
Naxwaha iyo aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka iyadoo af Ingiriis wax lagu baranayo.
Finnish Grammar
Naxwaha iyo sida erayadu isu bedbeddelaan. Af Ingiriis ayaa lagu sharaxayaa.
Virtual Finland: The Finnish Language
Aqoonta ku saabsan luuqadda Finnishka, Ingiriis ayaana lagu baranayaa, naxwana waa la dhiganayaa.
Finnish Language
Wada sheekaysi lagaga hadlo luuqadda Finnishka iyo dhaqanka bulshada Finnishka.
Verbix
Waa barnaamij aad ku baranayso siday erayada ficillada (verbit) ee luuqadda Finnishku isu bedbedelaan.
XRCE Finnish Demos
Waa barnaamij la adeegsado marka tixraac lagu samaynayo dhismaha erayada luuqadda Finnishka.
FinnPlace Dictionary
Qaamuus Ingiriis-Finnish-Ingiriis ah (Englanti-suomi-englanti-sanakirja).
Skoldatanätet - lexin
Qaamuus Iswiidhish-Finnish-Iswiidhish ah (Ruotsi-suomi-ruotsi-sanakirja).
Finnish fudud iyo aqoon ku saabsan Finland:
Vilma
Finnish fudud iyo aqoon ku saabsan bulshada Finnishka iyo taariikhda Finland.
Maahanmuuttajan ammatti-info
Eraybixin, warar ku saabsan waxbarashada iyo xirfadaha iyo laylisyo.
Selkosivut
Finnish fudud: warar, aqoon ku saabsan mawduucyo kal duduwan oo luuqad fudud ku qoran.
Kuwo kale:
Finland Forum
Finland Forum waa foorum wax isdhaafsi ah oo luuqadda Ingiriiska la isticimaalo, waxaana loogu talagalay dadka Finland deggen. Qof walba oo Finland xiisaynayaana wuu ka qaybqaadan karaa wadahadallada wax isdhaafsiga ah.